Afhayeenka UDUB Oo Sheegay In Uu Murashax U Yahay Jagada Hogaanka Xisbigaas
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Notice: Undefined offset: 0 in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/gabfire-media.php on line 22
“Safarkii Madaxweynaha Ee Jiidda Hore Waan Soo Dhoweynayaa…Go,Aamada Cirro-Na Maaha Sharci …” Cali Gurey
Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa sheegay in Xisbiga UDUB ku hawlan yahay sidii uu u samayn lahaa Golihii dhexe ee Xisbigaasi,
si ay u sii gudo galaan dib u habayn lagu sameeyo Xisbiga Siyaasiga ah ee UDUB oo kala daadsanaan badani ka muuqato, tan iyo intii lagaga guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee Sanadkii hore.
Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu ka san qadhiyey in uu ka mid noqon doono raga u tar tami doona Xilka Musharaxnimada ee Xisbiga UDUB dhexdiisa, taas oo uu Tilmaamay in uu wax weyn ka tari doono baahiyaha Qaranka.
Afhayeenka Xisbiga UDUB oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo ayaa dhaliilay Shir gudoonka Golaha Wakiilada oo uu sheegay in ay ku dhex milmeen Xukuumadda Somaliland oo ah waaxda fulinta ee Dawladda, waxaanu u soo jeediyey Shir gudoonka in haddii ay xilal doonayaan ay doontaan.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo aanu wax ka weydiinay qaban qaabada shirkan Xisbigaasi yeelanayo ayaa waxa uu ku jawaabay
“Hawlaha qaban qaabada shirku meel fiican ayey marayaan maalmaha soo socdana, Waxaan filayaa in Guddida la magacaabay ay cayimi doonto Wakhtiga la qabanayo, laakiin warka aan ka hayaa waxa weeye labadan Maalmood wixii ka danbeeya inuu Shirkaasi qabsoomo inuu diyaar u yahay”.
Cali Guray oo aanu weydiinay khilaaf la sheegay in uu ka dhex aloosan yahay, kaas oo sababi kara dil dilaac Xisbiga ku yimaada waxa uu yidhi “Ma qabo anigu inuu dildilaac ku iman doono oo duruufo badan oo kale oo ku gadaaman Xaalada guud ee Siyaasadeed ayaa qasab ka dhigaysa inuu UDUB ka midoobo, hadiiba ay jiraan khilaafaad yar yar meel layska dhigo, Xisbi ahaan laysku diyaariyo iyo in kaadhadhkii Xisbinimo la qaato, uma maleynayo inay wax dhibaato ahi halkaa ka imanayso.
Anigu Xidhiidh toos ah lama lihi ilaa imika inta heshiiska lagu wada yahayna waxa weeye in Golihii dhexe la helo, Golaha dhexena Guddidiisii fulinta uu sameeyo dabadeedna lays weydiiyo hogaanka ugu sareeya waxa laga yeelayo”.
Afhayeenka Xisbiga UDUB mar uu ka jawaabayey Su’aal ahayd sida ay u tar tami karaan maadaama oo Xisbigoodu kala daadsan yahay, waxa uu ku jawaabay “Horta Saddexda Xisbi Qaran ee jirayba, wakhti adag bay ku soo jireen oo waa lala tartamayaa, kuwa la tartamayaana waxay ka dawo yihiin ma jiro oo Urur iyo Xisbi marka loo tartamayana ee Diiwaangelintu dhamaato ee Ururadu is Diiwaangeliyaana Ururada is Diiwaangeliya iyo Xisbiyadii hore waa ay ka siman yihiin, waxa loo baahan yahay labada Xisbi ee Kale xaaladooda, midna horta Xaalad na dhaanta kuma aragno, Xisbigii isaga oo kala daadsan Doorashada Deegaanku soo gashana dee wuxu noqonayaa Xisbi khadka ka baxa UDUB-na wax ka duwan maaha”.
Cali Gurey oo ka hadlayey Khilaafka Sharci ee ka dhex aloosan Xisbiga UCID iyo Mudaneyaal Golaha Wakiilada ka tirsan ayaa waxa uu yidhi “Arrintaa mar hore ayaanu ka hadalnay Golahana wuxu ka kooban yahay Saddexda Xisbi Qaran, Xeerka 14-qoddobkiisa 10-aad Xubintiisa koowaad, waxay si cad u qeexaysaa in Xisbinimada Xisbi kale uu Xubinimadiisa waayeyo haddii uu Urur sameysto, markaa markii Cirro ku dhawaaqay inuu Urur sameystay oo uu sharcinimadii UCID Lumiyeyna, halkiisii way banaanaanysaa oo Xubinimadii ku xigtay ayaa soo galeysa, laga bilaabo maalintaas waxaanu qabnaa inaanu Xubin ka ahayn Golaha Baarlamaanka.
Doorashadu markay tahay (One man one Vote) Saddex qof masalan oo kale Kursi khayriyada yaala markay ku tartamayaan ee midi ku adkaado codkaas uu ku soo baxay waxa siiyey oo uu noqonayaa Codkii dadka, aniguna waxaan leeyahay maaha ee Codkan 82-muddane ku fadhiyaan codkii dadku siiyey oo lagu darey 146-Xubnood oo sugayaal ah ayaa ka badan tiriada ay 82-kan Muddane heleen, markaa kuma fadhiyaan cod shaqsiya oo la siiyey, Hargeysa labaatankooda Kursi, Kursigii waxa lagu helayey laba iyo Toban Kun iyo Lix Boqol, nin laba kun iyo Lix Boqol helay ma jiro, shan kun oo Cod ninkii helay Toddoba kun iyo Lix Boqol oo Cod ayaa loogu daray, markaa taasi waa khalad Cod kuma fadhiyaan haddii sidaa la aqbalana taasi waxay dulmaysaa 146-Muddane ee xaqqa u lahaa jagadii banaanaata inay buuxiyaan.
Go’aanka ka soo baxa Shirka uu Guddoominayo Cirro-na ee ka soo baxa Golaha Wakiilada waxaanu u aragnay inuu yahay waxbo kama jiraan”.
Muj: Cali Gurey waxa uu sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay Safarkii uu Madaxweynuhu ku tegay jiida hore ee Ciidamada Qaranka, waxaanu yidhi
“Si buuxda waxaan u taageersanahay Safarkii Madaxweynaha dadkuna waxa ay ka dareemayeen inuu Xaaladooda rasmiga ahna arko, anigu waxaan u arkaa inuu arrin wanaagsan yahay”.
Afhayeenka Xisbiga UDUB oo aanu weydiinay in dad badani is weydiinayaan in Xisbigaasi hogaankiisa la wareegeen Wasiiraddii Xukuumaddii hore, taasina ay saameyn ku yeelan doonto Mustaqbalka Xisbiga, waxa uu ku jawaabay
“Horta marar badan ayaan ka hadley waxaanan jecelahay dadka Xisbiga afaafka hore soo gelaya ay noqdaan Wajiyo cusub, waxaanan qabaa inay sidaasi qurux badnaan lahayd, laakiin imika markaanu Golaha dhexe sameyno Guddida fulinta oo aan filayo in aanay ragii Xukumaddii hore ka tirsanaan jiray aanay Guddida fulinta u badnaan doonin oo fikradaa waan qabaa, anigu shaqsiyan waxaan ku de’daalayey inaanay kala fogaanin Mucaaridka iyo Muxaafidku, waxaad moodaa Shir-Guddoonkan iyo Madaxtooyada Somaliland qaarkoodba ay ka mid noqdeen fulintii iyaga oo Shir-Guddoona oo Sharci dejintii ah oo Ku Xigeenkii (C/casiis Samaale) Madaxweynaha la socday raali kamaanu ahayn, waxa weeyaan Nimankan shir-Guddoonkuna dadka ayey dhex u yihiin, haddii ay noqoto in Shir-Guddoonkii iyo Madaxtooyadii isku milanto dee fulinta ha ka mid noqdaan”.
Cali Gurey oo ka jawaabayey Su’aal ahayd in hogaanka Xisbiga UDUB uu hunguri kaga jiro waxa uu ku jawaabay
“Markii hore waxa ii qorsheysnayd hadday Hoogankii si fiican u dhiibaan Masuuliyadii oo ay ku qancaan inay Xisbigii Talladii ku wareejiyaan, dabcan waxaan diyaar u ahay imika inaan ka mid noqdo Xubnaha u tartamaya Hogaanka Xisbiga, sababtuna waxay aheyd in la sameeyo Masuuliyiin ka duwan kuwii hore.”