Taariikheed Nololeedka Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar (mahdi gees)oo Kamida Xildhibaanada Somaliland
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Notice: Undefined offset: 0 in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/gabfire-media.php on line 22
Waxa dhawaanahanba dalka UK marti inoogu ahaa Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar(Mahdi-Gees) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Awdal, kana soo baxay xusbiga KULMIYE ee haatana haya hogaanka dalka.
Xildhibaan Mahdi wuxu ka mid ahaa wafti uu hogaaminayay Guddoomiyaha KULMIYE Mudane Muuse Biixi oo ujeedada ay dalkan u yimaadeen ahayd inay ka qayb galaan shirkii ka dhacay London ee lagu lafa-gurayay xaaladda dadka iyo dalka soomaaliyeed. Waa markii ugu horraysay nolishiisa ee Xildhibaan Mahdi uu soo booqdo qurbaha, qaybta hore ee mawduucan isaga ahna waxan idiinku soo gudbinaynaa taariikh nololeed kooban oo ku saabsan xildhibaanka:
1961 Xildhibaan Mahadi Xuseen Cadar oo ku magac dheer Mahdi-Gees wuxu ku dhashay magaalada Boorama. Dugsiga quraanka wuxu ku dhammaystay isla magaalada Boorama.
1970-74 Mahdi Gees wuxu waxbarashadiisii Hoose ku dhammaystay magaalada Boorama (Borama Elementary School)
1974-78 Waxbarashadiisii Dhexe wuxu ku dhammaystay dugsiga Dhexe ee Day-ga Boorama
1978- 81 Mahdi wuxu waxbarashadiisa sare ku qaatay Iskuulka Caafimaadka Ee Hargeysa, halkaasi oo ku bartay kalkaalinta caafimaadka(Nurse)
1981-82 Tobabarkii shaqada qaran ayuu ku qaatay School Policia ee Muqdisho
1983- 84 Mudane Mahdi Tobabar dheeraad ah oo la xidhiidha kalkaalinta caafimaadka iyo caafimaadka bulshada (Post Basic) ayuu Mahdi ku qaatay magaalada Muqdisho
1984 -86 Shaqadiisii ugu horraysay wuxu ka qabtay magaalada Lughaya ee degmada Lughaya-Awdal, isagoo ka shaqayn jiray Lughaya Primary Health Care,isla wakhtigaas gudihiisa waxa kale oo Mahadi uu magaalada Burco ku dhammaystay tobabar ku saabsan Primary Health Care (PHC).
1986-88 Xildhibaan Mahdi wuxu ahaa Tobabare caafimaad (Health Trainer Officer) oo ka hawl gala Borama(Awdal Regional Health). Isla horraantii 88-kii waxa kale oo Mahdi loo diray aqoon iswaydaarsi (Seminar) ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania
1991-93 Kadib dagaalkii sokeeye iyo qaran jabkii Soomaaliya, wuxu Mahdi noqday ganacsade xaasilya nolol maalmaadkiisa
1994- 2000 Mahdi wuxu ka wakiil ahaa Hayada GARGAAR oo ah hayad samfal ah (NGO) oo qalabka caafimaadka gaadhsiisa Awdal iyo dalka Somaliland intiisa kalaba. Hayadaas wuxu Saldhigeedu ahaa Denamark. Xildhibaan Mahdi wuxu haydaaas ka ahaa Guddoomiye (chairman) u fadhiya Boorama-Awdal.
1999-2001 Mahdi isaga oo ka wakiil ah Hayada GARGAAR ayaa wuxu sidoo kale ku shaqaysan jiray maamulka Isbitaalka Boorama (Hospital Administrator)
2003-04 Waxa loo dareeray doorashooyinkii golaha degaanka Somaliland, Xildhibaan mahdi wuxu ku biiray xusbiga KULMIYE, halkaasi oo uu noqday xoghaya Xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal. Doorashooyinka golaha degaanka Awdal waxa ku soo baxay Xildhibaan C/Raxmaan Saylici oo ahaa garabka midig ee Xildhibaan Mahdi-Gees; imikana ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
2005 Waxa loo dareeray doorashooyinkii golaha wakiilada somaliland. Xildhibaan Mahdi wuxu ka mid ahaa musharraxiintii reer Awdal ee tartanka ugu jiray jagooyinka wakiilada Somaliland.
Mudane Xildhibaan Mahdi-gees iyo Allaha u naxariistee Xildhibaan AARE NUUR CUSMAAN ayaa ka soo baxay beesha Habar Xuseen(B/Celi) waxana labadoodaba laga soo doortay degmooyinka Saylac iyo Boorama. Mahdi wuxu kusoo baxay cod ballaadhan oo ku dhaw 5 kun oo cod, sidaasi ayuunu ugu soo gudbay inuu noqdo Xildhibaan buuxa oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland. Ilaa iyo intii uu Mahdi noqday xildhibaanka ilaa iyo maanta kumuu shaqaysan xirfadiisii Caafimaad, oo waxa jiitay siyaasadda. Mahdi isagoo ku takhushay caafimaadka bulshada ayuu doortay inuu noqdo siyaasi, wuxuna ii sheegay in sobabta ku kalliftay ay tahay inay siyaasadu ka mid ahayd hiwaayadiisa ilaa iyo yaraantiisaba isla markaana uu leeyahay kartida iyo kalsoonida lagu noqon karo siyaasi. Xildhibaan Gees wuxu abaal weyn ugu hayaa inuu kusoo baxo jagadan mataankiisa madaxweyne SAYLICI, oo isgu ah ninka soo saaray Mahdi Gees iyo xildhibaano kalaba sida Abubakar Good
Xildhibaan Mahdi maanta oo ay taariikhdu tahay 05/03 ayuu ka dhoofayaa London isagoo ku guryo noqonaya dhulkiisii hooyo, waxanan u rajaynaynaa Safar salaama iyo safar khayr leh. Haddii Ilaaha awoodda lihi inagu simo qaybaha danbe waxan ku soo qaadi doonnaa shirarkii uu ka qayb galay Mahdi Gees intii uu joogay UK iyo sidii loo qaabilay.
xigasho..hiildan.com