Faallo:Nidaamyada Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta Gadabuursi Kufashilmeen iyo Kuwo Aan Wali Latijaabin.?
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43

Sida qaalibka, nidaamyada siyaasadeed ee qunyar socodka ee ay ilaa hada tijaabiyeen qoomiyada Gadabuursi ayaa ah kuwo faashila ama guuldaro ka muuqato
sida _taageeradii taliskii Maxamed Siyaad oo aan hiil iyo hooba u huray sanadihii 80 aadkii iyo 90 kii ee qabaailada gobolada waqooyi ku kaceen ayaa iyaduna bedelkooda inaga iibin jirtey hubka markay timaado difaaca dalka iyo dadkaba dagaalkii Alaxsaab (snm, ciise , itoobiya iyo jabuuti) ee la isku soo baahaystay Gadabuursi . Mida labaad baabuurta tecknikada ahna inaga kireyn jirtey marka cadow dhexda u galo baabuurta hunguriga u wada gobolkan cuno qabataynta ay saareen dalalka Djibuuti, Ethiopia iyo jabhadii SNM oo Caabuda u Fadhiisatay. waxakale oo xasuusteeda leh ,Mashaariic horumarineed oo ay ka fulisayna gobolka iyo darajooyin ay dadka dheeraayeena oo la siiyay ma jirin inta la xasuusto.
Nidaamkan Awdalstate ayaa isna fashil ku dhow ama la odhan karaa wuu khaatumaystay sobob isqabqabsi siyaasiyiin layli ah oo beeshu kala weyn tahay magaca uu sito iyo iskooxaysi maldahan oo ka dhex dilaacay nidaamka gudihiisa , jaah wareer siyaasadeed oo ay ku rideen dadka ay magacooda xambaarsanaayeen markii la arkay in darajadan madaxnimo kaliya lagu raadsanayo mansab siyaasadeed oo lagaga qayb galo kolba dawladii Muqdisho laga dhiso sida aan ku aragnay gogaamiyayaashii kala dambeeyay ee Maasheeye , Rashiid iyo tixgalin la’aan beelaha kale ee gobolka dega ayaa iyadu qayb ka burburka Awdalstate oo aan laga qayb ama saami laga siin waayay dhismihii dawladeed ee awdalstate ama ku dhawaaqideediiba.
Somaliland oo aan ahayn qabiilkii ugu horeeyey ee si buuxda uga qayb gala dhismaheeda , wakhti badan iyo feker badani ka galo ayaa ilaa hada aan laga hayn wax mar uun lagu qanco ama u cuntama dadka wehelka ka dhigta fikirka Somalilandnimada. Maxaweyne ku xigeenkii igu horeeyey ayaa ahaa Cabdiraxmaan Awcali oo darajadaas ku helay isaga oo ahaa sarkaal ka tirsanaa jabhadii qabsatay gobolada waqooyi kadib, burbur iyo xasuuq ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa keenay wada shaqayn laaan ka dhex dhalatay nidaamkii dawliga ahaa ee lagu soo dhisay Boorama ee ay hogaaminayeen jabhada SNM iyo madaxweynihii markaas ee Cigaal.
Daahir Rayaale oo wakhtigu keenay ayaa noqday madaxweynekuxigeen iyo madaxweynaha Somaliland muddo ku dhow 10sano aakhirkiina xafiiska ka baxay isaga oo ilaa maanta ka jawaabi kari la’ ama u soo bandhigi kari la’ wixii hortaagnaa ee uu wax uga qaban waayay tabashada gobolada awdal ama qoomiyada ku abtirsata labadaba,.
Intaas kadib, nidaamyo asxaab siyaasiya oo soomaaliland ka jiray oo ay dabada ka riixayaan bulsho isbadal doona wixii doonaa ha ukala qarsoonaadeene laakiin ka midaysnaa saluuga nooca hogaamineed ee Daahir Rayaale ayaa madaxweyne-ku xigeen ku soo baxay Cabdiraxmaan Saylici iyada oo ilaa hada tabashadii taagan tahay oo aanay waxba iska badalin saluugii ka dhashay saami qaybsiga beelaha wada dega Somaliland oo aan lataaban wali ..
Soomaaliweyn oo aynu u direy macalinka macalimiinta soomaaliyeed Axmed Ismaaciil oo hoos iyo guudba ugu sheegay inuu mushahar la’aan ugu shaqayn doono dalka iyo dadka soomaaliyeed si ay uga baxaan silica siyaasadeed ee haysta ayaa jawaabta uu helay noqotay noqotay 8 cod oo ay siiyeen intii la diirka ahayd. Mid xasuus mudan , dawlad kasta oo laga soo dhiso muqdishana waynu ognahay saamiga ay siiyaan gobolka Awdal.
Intaas oo nidaam siyaasadeed ah oo aanay bulshadaydu haakah ku odhan waxaan u malaynayaa inaan aniga iyo akhristayaashayadu isku raacsanay in aan tijaabinay natiijadeediina hayno badankood inkasta oo wali dadka qaar ku adkaysanayaan in Saylici iyo Awdalstate wakhti u hadhsan yahay ama la siiyo.
Waxaakale oo dhalinyaro reer awdal ah ka maqlaa magacyo ay kamid yihiin boqortooyadii Adel dib in loo soo celiyo, Awdallland , djib-awdal , ethio-awdal iyo kuwo kale oo dhamaantoodba u muuqda nidaamyo qunyar socod ah…
Waxaan maqaalka ku soo ururinayaa nidaamka kaliya ee ilaa hada aan la tijaabin waxaan isleeyahay waa mid Jibhadeed oo u baahan fikir dheer , saaxiibo dalalka jaarka iyo adkaysiga xanuun badan oo lala kulmi doono.