Siyaasad Xumada Siranyo ee 22 Xildhibaan oo Gadabursi Ka Doorbidaysa 2 Xildhibaan

NEC_Somaliland_d0008Doorashadii deggaanka ee Somaliland ka dhacday waxay daahfurtay ismaan-dhaaf mug  leh dhinaca siyaasada waxayna dibada soo dhigtay shirqool horeyba loo tuhunsanaa balse dibada uu ka ahaa Silaanyo ka hor intuuna dhawaanta Jabuuti kula soo kulmin Geelaha Jabuuti.

Aan ku horeeyee, Siilaanyo wuxuu madaxweyne ku xigeenkiisa u soo bandhigay heshiis uu Jabuuti kula soo galay Geelaha Jabuuti, heshiiskaa oo gundhigiisu yahay in Maayarka Saylac lagu fadhiisiyo nin  ka soo jeeda beesha Ciise ee lagaga adkaaday doorashadii degmadaa ka dhacday. Heshiiskaa Jabuuti ee dhex maray labada Madaxweyne wuxuu Ina Cumar Geele awood u siisay inuu Siilanyo ku xadgudbo natiijadii doorasho xalaal ah ka soo baxaday.

Siilaanyo oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, waxaa laga sugaayay inuu ahmiyada saaro in xisbigiisu guulaysto Helena xildhibaanada ugu badan ee doorashada degaanka. Inkastuu Kulmiye noqday xisbiga koowaad, hadaana waxaa la hayaa cadadka codadka uu ka helay gobol walba. Gobolka uu Kulmiye uugu cododka yaraa wuxuu noqday Gobolka Togdheer ee uu Siilaanyo ka soo jeedo, halka gobolka uu ugu tirada badnaa noqday gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Madaxweyne ku xigeenka Saylici. Halkaa waxaa ka cad in codka kalsoonida ah ee ugu balaadhan uu Kulmiye ka helay Awdal, waxayna taasi ka turjumaysaa in Saylici kalsooni buuxda ka haysto gobolada uu ka soo jeedo ee Awdal iyo Salal, halka Madaxweynuhu kalsoonidaa ka waayay gobolkii uu ka soo jeeday.

Fiiri Siyaasad Xumada Siilaanyo ee 22 Xildhibaan Ka Doorbidaysa 2 Xildhibaan

Kulmiye, Awdal wuxuu ka helay 24 xildhibaan oo 22 Gadabuursi yihiin, halka labana ay ciise yihiin. Taa marka laga duulo, waxaa isweydiin leh wuxuu Silaanyo ula saftay beesha xisbigiisa u keentay 2 xildhibaan oo kaliya ee uu indhaha uga qabsaday beesha 22 xildhibaan Kulmiye u soo hoysay. Dhinaca kale ee u gaarka ah degmada Saylac, beesha 7 xildhibaan ka heshay Saylac siday u hawaysan karaan inay u soo waysaystaan jagada duqa magaalada Saylac oo sharci ahaan ay leeyihiin beesha Gadabuursi oo degmadaa ka heshay 10 xildhibaan?

Halkaa waxaa ka cad in Siilanyo xeerin waayay danta xisbigii isaga talada dalka u dhiibay  isagoo ka door biday inuu Madaxweyne dal shisheeye codsigiisa fuliyo isagoo ku xadgubaaya xaqa iyo xeerkii nidaamka doorashada. Codsiga Ina Cumar Geele goormuu noqday mid ka miisaan waynaada codkii iyo doonkii muwaadiniinta codkoodii siiyay musharaxiintay ay doorteen?

Siilaanyo waa nin ruug cadaaya oo siyaasi ah, nalamana aha inuuna arkay awaaqib xumada ay reebayso ficilkaa lama filaanka ahaa ee xeerka cayda ku ah. Waxaanse ognahay waxa ku kalifay inuu u badheedho talaabada khaayinimada ah.  Sobobaha Siilaanyo ka keenay inuu ku cageeyo xeerkii iyo xaqii Gadabuursi waa siyaasad gun dheer oo la soo tidcaayay tan iyo shagaashanadii, waxna ay ka sahashay xukumadii tan Siilaanyo ka horaysay. Anagoo sobobaha ku soo bandhigi doona maqaal kale oo kan xigga, waxaan Siilaanyo, Ina Cumar Geele iyo nimanka kale ee shirkoolkan soo maleegay u sheegaynaa in fikirkoodu yahay mid ah hal bacaad lagu lisay oo marnaba suurta galayn, dhiilo weyna u soo hoyn doona labada maamul ee Hargaysa iyo Jabuuti. Siilaanyo talo gaf siyaasadeed ah oo dhabarjab ah ku soo mehersaday Jabuuti, naftiisu maanka ha ku hayo haddii reer Berbera oo ah jilib hoosaaaad beesha dhexe ka soo jeeda inay ka gadoodeen badhasaab badilkiisa xaq uu u leeyahay madaxweynuhu. Dhacdadaas oo jirta bal ha isweydiiyo wuxuu ka sugayaa qoomiyada Gadabuursi ee sifo sharci daro ah lagu hawaystay in dibada laga dhigo gurigeedii.

La soco Maqaalka dambe ee shaaca ka qaadi doona sobobaha Siilaanyo toobada seejisay iyo duruufaha ku gadaaman gaar ahaan heshiiska Jabuuti iyo dadkii goobjooga u ahaa oon soo bandhigi doono, haddii Eebaha amuuti u nagidahay idmo.

Nimba Timmo Xammar!