Muuse Biixi Oo Cadaystay Cadowtinimada Uu U Qabo Reer Saylac Iyo Inuu Wali Yahay Dagaal Ooge
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Siyaasiga ku faana dilkii shacabka Soomaalida ah ee reer Awdal iyo Selel uu u gaystay ayaa wuxuu si toos ah u taageeray dhulboobka beesha Jabuuti ay ku hayso dhulka Soomaaliyeed. Muuse Biixi oo iloobay hadii uu dhulka Selel uu isku dayo inuu sharaf iyo jaa’isad uu ku raadsado inuu mushaarada uu maamul goboleedka Somaliland uu ku qaato inuu waayayo.
dagaal ooge Muuse Biixi oo ah shaqsi wax aqoon ah aan lahayn oo gacan ku dhiigle ah. Muuse waa mujaahil si u taageera tafaraaraqa maamulka uu 22 ka sano ku soo noolaa wuxuuna iloobay in Awdal haday jidka qaado uu ciiida cunayo sidiisii.
Anigu waxaan soo jeedinayaa inaan maamul goboleedka Somaliland ka baxno oo Absame iyo Soomaalida asalka ah dib cilaaqkoodii usoo cesho oo gacan bir ah ku qabano Jabuuti iyo Hargeysa labadaba. Awod waxaan u leenahay inaan Jigjiga iyo Laascaanood ku xidhano oo aan dhirbaaxo ku dhufano mujaahiliinta Hargeysa ku shira iyo dhawrka caado qaate ee ay soo diraan si ay shacabka awdal u kala furfuraan.
Cabdi Jamac
Kualalumpur, Malaysia