Mudaharaad Dib Ugu Bilaamay Dalka Masar Iyo Dad ku Dhintay Ka Dib Markii Ay Isku Dhaceen Ciidamada Amaanka


Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43

cairoCairo(Lughaya.com)Ugu yaraan inta la oghay 9 qof ayaa ku dhimatay mudaahraadyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Masar, Rabshadaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo la xusayo maalintii uu bilowdey kacdoonkii looga soo horjeedey keligii taliyihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak, kaas oo bilowdey 25/1/2011.

Meelaha ugu daran ee dhimashadu ka dhacdey ayaa la sheegay in ay tahay Suweys, halkaas oo ciidamadu dadka rasaas ku fureen.

Sida laga soo xiganayo wasaaradda caafimaadka dalka Masar ugu yaan 450 qof ayaa ku dhaawacmey guud ahaan Mudaaharaadyadii rabshadaha watey ee ka dhacay Masar, waxaana ku dhintey dadku dhaw 10 qof.

Madaxweynaha la soo doortey ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ugu baaqey shacabku in ay muujiyaan waxa ay tabanayaan, laakiin ay ka fogaadaan cunfi iyo rabshado in ay ku muujiyaan.

Dadka Mudaaharaadaya oo u badan dhalinyaro ayaa sheegay in kacdoonkoodi ay ka dhaceen ama xadeen Ikhwaanu Muslimiin, isla markaana aysan waxba isbedelin kadib markii la ridey Mubarak laba sano ka hor, Shaqo la’aanta ayey sheegayaan in y weli cirka ku shareeran tahay, xoriyadda dadkuna ay la mid tahay ama ka xuntahay waagiii Mubarak dalka ka talinaayey.

 

Cairo: Lughayanews.