Shirkii Wadatashi ee Beeleha Gadabursi, Harti iyo Absame ee Hordhicii oo Guul ku Dhamaaday


Notice: Undefined offset: 0 in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/gabfire-media.php on line 22

Shir wada tashi oo ay khadka telephone-ka iskugu yeedheen waxgaradka iyo hormoodka beelaha galbeedka Itoobiya iyo Waqooyiga Somaliland wada dega ee Absame, Gadabursi iyo Harti ayaa guul ku dhamaaday.

Shirkan oo ay iriduhu u xidhnaayeen ayaa waxay beeluhu isku afgarteen wadatashi, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan taabanaya iyo gaashaanbuurta waarta oo dalkii laga hirgaliyo sida ugu dhakhso badan maadaama oo beeluhu isku dan iyo degaan ay yihiin.

Shirkan oo si wayn loosoo abaabulay ayaa hordhac u ahaa shirwayne lagu wado inuu ka dhaco dalka hooyo iyo dalalkan dibedaba mustaqbalka dhow. Sobobaha shirkan soo dedejiyey ayey ilo xogogaal ahi ka dhawaajiyeen in degaanka ay ka jiraan dhaqdhaqaaq aan waafaqsanayn nabadii iyo wada noolaanshihii ay beeluhu ka filayeen beelaha iyo dalalka dariska ay la yihiin sidaasi darteed in dadkii isku dan ahiba ay haboon tahay inay wadada u banaystaan gaashaanbuur dhinaca dhaqaalaha, horumarka iyo difaaca degaankaba ah.

Shirkan oo la filayo inuu wajiyo badan yeelan doono oo habab kala duwan loo kulmi doono ayaa lagu balamay in sida ugu dhakhso badan gudi dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku nool loo xilsaaro meel marinta heshiisyo aan la shaacin oo la’isku afgartay in la meelmariyo.

Lughaya News