Maxay Tahay Colaada Labada Beelood Ee Ciise Iyo Isaaq Ugu Bohoobeen Beesha SAMAROON Ma Soomaalinimadaa Mise Waa SAMAROONNIMADA Beesha?
Marka hore waxaan salaan qaaliya salaanta muslimka ku salaamayaa dhamaan saxaafada iyo beelweynta samaroon ee gobolada (Awdal,Gabiiley iyo Salal)iyo dhamaanba dadka soomaalinimada iyo midnimada soomaaliyeed jecel waxaan leeyehay asaalama caleykum waraxma tulaahi wabrakaatu.
Horta beesha samaroon waa soomaali illaahay baa naga dhigey(ALXAMDU-LILLAAHI-RABILCAALAMIIN)waa wax lagu faano markaa lagabilaabo 1886-87kii oo ah wakhtigii reer galbeedku qaybsanaayeen africa oo lagajoogo 127sano samaroon wuxuu difaacayey oon udagaalamayney oon udoodeyney umadda soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed ciise iyo isaaqna cadowgey nagaraacayeen kuwa soo duulay dhamaanba umadda soomaaliyeed iyo dhulkooga iyo hantidoodab.
Waqtigaas soomaalidu waxay ubadnaayeen (NOMADEN)Ama reer guuraa laakiin beelaha qaarbaa lahaa xadaarad iyo maamul magaalo gaar ahaan beesha samaroon waxay lahayd maamul dawladnamo iyo Xadaarad facweyn lahayd africa iyo aduunkuba laga aqoonsanaa,hadaba waqtigii gumaysigu yimiday geeska africa gaar ahaan saylac samaroon oo dawlada amaba boqortooyoleh bay ugu yimaadeen waxayna lagaleen heshiis nabadgelyo waxayna u sharaxeen waxa ay uyimaadeen iyo waxa ay wadaan iyo damacooga gaar ahaaneed kadib markey ka heleen axwaashii kadib way isku noqdeen dhamaan waxgaradkii hogaaminayey beelaha samaroon waxayna soo dejiyeen xeerka awku joogayo dhulka soomaaliyeed waxaanay ugu balan qaadeen inuu nabad ku dhex marayo beelaha soomaaliyeed iyaguna nabad gelyada ilaaliyaan waa lawada ogyahay heshiiskaa cuqaasha iyo wax garadka beesha samaroon ayla galeen gumaysiga iyagoo harag kaga saxeexay waliba markab badda dhex joogey heshiiska kadib loo ogolaaday inay dhulka soomaaliyeed cagta soodhigaan si nabad gelyo ahna ku yimaadaan.Hadaba aan usoo noqono ujeedada maqaalkan oo ah (MAXAY TAHAY COLAADA IYO CADAWNIMADA INTAA LEEG EE LABADAN BEELOOD EE LA MAGACBAXAY BINU-AXMAD AY UGU BOHOOBEEN IYAGOO DHIIGA IYO DHULKA BEESHA SAMAROON XALAASHANAYA)
Waxay Doonayana qaybsashada magaalooyinka xeebahyaga waxaan yaab noqotay sida codsiga loo cadaysanayo waad ogtihiin inay wasiiro somaliland ahi u tageen jabuuti waawaan lakiin odayaasha ciise ee diridhaba kayimid ku dheheen wasiirada iniku ciyaalbaad tihiine waxaan lahadli karaa odayaasha beesha isahaaq waa yaabe saylac ma isaaq baaleh maxay u dalban waayeen odayaasha samaroon aqoonta oday lagu yahay maxaytahay hadayna garanay cida wax dhexyaalaan amaba wax ka go,aani inuu samaroon yahay,waxayse tahay arintaasi tu lagu rabo dhulka samaroon oo umuuqda midka labadan beelood u heshiiyeen 1989kii magaalada diridhabo ku gaadheen hadaba muxuu yahay damacan xaaraanta ah ee labadan beelood waa mamaasan(ciise)iyo sacad muuse(habar awal) iyagoo labaduba ku caan baxay nacaybka soomaali nimo iyo midnimada soomaalinimo,hadaba beeshan samaroon oo soomaali ah ku abtirsada dhulka soomaaliyeed burjiga faalkoodu yahay(ARLIYA MACNUHU WAA NATIVE)Waa dadkii dhulka lahaa markaa waxaan lamidnahay indiankii lahaa maraykanka ee dagaalka laga qaatay dabcan samaroon geeska afrikoo dhan buu lahaa lughaya iyo saylacbaa lagula doodayaa markaa waxa lanagu haystaa soomaalinimada iyo wadani nimada iyo damacan qaawan dawlada jabuuti ku doonayso 8dan kursi ee sunka inay gobol kaga hesho dhulka samaroon taasina dhici mayso wallee samaroon wuu u soo jeedaa qadiyaddiisa wuuna is difaaci daansi iyo dulun dambena qaadanmayno samaroon waligii xaqdaro kuma dagaalamin nin xaq ku dagaalamana lagama guulaysan karo horena loogama guulaysan.
WALILLAAHI TWAFIIQ.ASC.
WAA QALINKII OSMAN DJIBRIIL.
Email: oscardouale@hotmail.co.uk.