OGAYSIIS: Muhiim Ah Oo Ku Socda DHamaan Jaahliyadaha Reer Awdal Salel Iyo Gabiley Ee Dunida Dacaladeeda Ku Dhaqan

snmMassacreSomalilandDhamaan waxaa la ogaysiinayaa bulshawaynta ka soo jeeda qoomiyada Adal Empire iyo umada Soomaaliyeedba ee ku nool Gobolka Alberta Caasimadiisa Edmonton  in la qaban doono shir balaran oo wada tashi umada reer Awdal lagana tashanaayo mustaqbalka AWDALSTATE,Arinrnta Saylac,Xaalada siyaasadeed ee guud ahaan beesha iyo Baroor Diiq loo samaynaayo dadkii lagu xasuuqay dhulwaynaha Awdalstate sanadihii sagaashaneeyihii ilaa maanta kaasi oo ay gaysteen Jabhadii SNM  oo uu hogaaminayey u yahay Ahmed Mohamoud  Siiraanyo  ahna madaxa maamulka SNM ee Hargaysa , SHirkan oo ka dhici doona Edmonton bishan Feb23,2013.

Hadaba waxaa laga codsanayaa dadwaynaha reer Adal in laga soo wada qayb galo Baroor diiqdaa oo hada uu abaabulkeedu si wayn uga socda magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda  waxaana kale soo qayb galaaya jaalida reer Edmonton  oo marti noogu  ah 

Madaxwaynaha Awdalstate  Garyaqaan Rashid Aw Nuur Hirsi 

Afhayeenka Awdalstate ee Canada Prof Ahmed Omar

Wasiir Dowlahii Arimaha Dibada hore  ee TFG Prof  Xaamud Aw Ali Maansheeye

Iyo  Aqoonyahano  kale oo ka la imanaaya N/america


Waxaana lagu soo baxdhigi doonaa ciyaara hidaha dhaqanka u ah gobolka sida Sayliciga  iyo Wilwilaha.Hadaba waxaa mar labaad si naxariis leh looga codsanayaa jaaliyada reer ADAL iyo umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Alberta iyo mawaaxigeeda in ka soo wada qayb galaan xuskaa balaaran.

Waxii faahfaahin ah meesha iyo saacada gadaal ayaan idiinka soo sheegi doonaa, waxii kale waxaad kale xidhiidhi kartaa qabanqaabiyaasha shirka telefoonadan hoos ku qoran:-
 
 Hamdi                 780 233 9116         
 
Deeq                  587 785 5576      
 
Basra                  780 802 8814      
 
Omar                 780 215 1756      
 
Ali                    780 905 0287      

Mahadsanid: