Ka Qayb Qaado Dib u Dhiska Lughaya Hospital oo Laga wado Hawlgal Wayn o Lagu Horumarinayo

51Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dallas gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa gaadhsiiyay deeq lacageed oo dhan $1800. Kun iyo sideed boqol oo dollar masuulka gacanta ku haya dib udhiska dhakhtarka LUGHAYA masuulkan oo magaciisa la yidhaahdo MAXAMED MUUSE BINIX. Tel. 4647195. waxaana lacagtaas loogu diray xawaalada CAMUUD EXPRESS. Laanteeda BOORAME. Walaalayaal sidaan wada ognahay sadaqad lala baxo waxaa ugu khayr badan sadaqatul jaariyah oo ah mida aad ku samayso wax dadka anfaca oo mudo dheer jiri kara waxaana ka mid ah, Masjid aad dhisto, geed la hadhsado oo aad beerto, ceel biyo ah oo aad qodo, dugsi wax lagu barto, iyo dhakhtarka lagu daweynayo dadka oo aad dhisto. Sadaqadani waa mida ajarkeedu kuu soconayo xataa markaad dhimato. hadaba walaalayaal waxaan ka codsanaynaa dhamaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan dadka kasoo jeeda goboladan Awdal/Selel iyo Gebilay inay ka qayb qaataan dedaalkan loogu jiro dib u dhiska dhakhtarka LUGHAYA. Walaalaha Dallas iyo dhamaan dadka kale ee ka qayb qaatayna way mahadsan yihiin, ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu muraadkooda u fududeeyo.