Madxweyne Siilanyo Ma Jinac-Buu Jeebka Ku Sitaa! Mise Shabeel Dhala Madxtooyada Ugu Xidhan!
Walow, nin ragi uu garanayo nacasna aan loo sheegayn in khilaafka ku soo noqnoqonya dhinaca xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland uu yahay mid ka dhan ah danta iyo maslaxada qaranka Somaliland, isla markaana uu yahay mid ay ku farxi karaan kana faa’iidaysan karaan cadowga Somaliland. hadana, waxa ayaan-darro ah in xubin ka mid ah la taliye-yaasha Madaxweyne Siilaanyo iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland oo ka soo jeeda Gobollada Awdal iyo Salel, inay maalmahan dambe si guracan oo dhan ka rararan u buunbuuniyeen ama uga tarjumeen khilaafkaas, kadib markii ay qabteen shirar jaraa’id oo kala gaar ah oo ay ka dhawaajiyeen hadallo u dhandhan eg inay ku durayeen Madaxweyne Ku Xigeenka dalka Md. Cabdiraxmaan Saylici, isla markaana ay ugu qiilsamaynayeen Madaxweyne Siilaanyo inuu ka gar-joogo Madaxweyne Ku Xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, iyadoo weli wax garnaqsi ah aan laga galin khilaafkooda ama iyada oo sida ay tahayba Madaxweyne Ku Xigeenku leeyahay kaalinta labaad ee maamuuska dalka, isla markaanaa uu yahay mas’uulka Somaliland ugu dulqaadka iyo daacadnimada badan, kaas oo waxgaradka iyo dadweynaha reer Somaliland intuba ay sheegaan inuu cid kasta oo reer Somaliland ah uga lexjeclo iyo daacadnimo badan yahay danta iyo maslaxada guud ee Qaranka Somaliland.
Dhanka kalena, maadaama sida caalamkuba maanta ka dayrinayo dalkeena ay ka jiraan daruufo aan looga bixi karayn khilaaf sii baaha oo bulshada reer Somaliland ku keeni kara kala qaybsanaan hor leh oo dhaawaci karta midnimada iyo qaranimada Somaliland , isla markaana cadowga Somaliland iyo kooxaha kale ee argagixisada caalamka ahiba ay ku soo dhuuman karaan, waxaa xubnahan looga baahnaa, intay khilaafkan si khaldan oo aan dhexdhexaad ahayn u sii buunbuuninayaan si uu u sii ballaadho ama uu u sii adkaado awgeed, inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay ka ergo-galaan sidii khilaafka loogu soo afjaari lahaa si daacadnimo, islaamnimo iyo dhexdhexeednimo intuba ay ku jiraan,
Isku soo wada duuboo, waxgaradka iyo dadweynaha kale ee reer Somaliland intuba waxay isweydiinayaan “MADAXWEYNE SIILAANYO MA JINACA-BUU JEEBKA KU SITAA! MISE SHABEEL DHALAA MADAXTOOYADA UGU XIDHAN,” maadaama Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Md. Cabdiraxmaan Saylici oo leh kaalinta labaad ee maamuuska qaranka Somaliland ay mar kasta qaylada khilaafkani si kulul uga soo yeedho dhiniciisa, sidii qof wax qaniinyo kululi ay qaniineen oo kale, walow dhanka kalena ay quudaraynayaan haday jawaabtu HAA noqoto, marka si ku haboon loo dhexgalo khilaafkan, in dabcan XALKUNA noqon doono Madaxweyne Siilaanyo oo laga codsado keliya inuu JINACA jeebkiisaa ka saaro.
Qore: Prof. Adan Diiriye Dixood:
Taariikh: 16/02/2013.
4458457.
