Halkuu Ka Yimid Erayga Iskaa Wax U Qabso Yaase Hindisi-hiisa Lahaa?

geedka boonAkhriste maqaalkan waxa ay nu ku qaadaa dhigaynaa waxa ay ka gdhigantahay erayga iskaa wax u qabso , halka ay kaga timiday mandaqadan somalidu degto , cidii ugu horayn hindistay , waxayaabaha midhahaleh ee ay Soomalidu ku gaadheen mabda an.

Hadaba ugu horayn waxa ay nu qormadeenan kubilaabaynaa micnaha eraygan oo aka qalaad looyaqaano self help scheme kaasi oo afka soomaliga marka lagu turjumo noqonaya Iskaa wax u qabso. taasi oo macnaheedu yahay in marka hore bulshadu ay fahamto in danta guud ay tahay tantooda loona baahanyahay inqofkasta oo mujtamaca ka mid ahi uu uga qabqaato horumarinta deegaankiisa .
Hadii aan hadaba intaa ku dhaafno micnaha ereygan waxa aad u mu him ah in la ogaado halka uu ka yimid iyo cida hindisihiisa lahayd iyo meeshii ugu horan laga hirgaliyey dalka Somaliland.
iskaa wax u qabso waa hindisihii kayimidey maskaxdii Ale ha u naxariistee odayaashii degaanka degmada Boon kuwaasi oo ayna hada qofna ka noolayn ka mid ahaayeen

Rooble Xoosh Waabari
Aw Cismaan Waabari Shirdoon
Caateeye Faahiye Nuur
Cilmi Camir Barkhadle
Xaaji Muxumed Ibraahin Alaaleh
Muxumed Sacad Iidle
Cige Wacays Waabari
Xaashi Subagle Qaroof
Muxumed Maygaag Xergeeye
Aw Aadan Jaamac Xagaa
Muuse Dixood Malow
Cabdi Muuse Gadiid
Bare Cumar Axmed
Cawaale Good SalSal

Dhamaan hadaba odayaashaasi oo ahaa ku wii bilaabay dhaqangalinta iskaawax u qabso deegaanka Boon ,waxa ay ugu horayn ku bilaabeen 1952 tii iyada oo ay biyihii dhaafayey dhulka ay u joojiyeen si loo intifaacsado(Soil concervation and water sheds projects)
Taasi oo dhaxalkoodii maanta dhulkii ay waagaasi xidheen 60 sano kadib maanta waxa laga sameeyey in ku dhow lixdan beerood oo la beerto.
Geedkii ugu horeeyey ee dooxada Degmada Boon lagu beeray iskaa waxa u qabso waxa uu noqday geedkii lagu shiray 1957dii markii somalilad loosamaynayey Baarlamankii la shaqaynayey mustacmarada ee loo yaqaanay( Traditional shodow parlament )oo ka koobnaa 12 xubnood taasi oo ay gudoominayeen cuqaashii degaanka boon oo ay hormood ka ahaaayeen ragaasi , waxana isla geedkaasi lagu qayb saday 16 kii february 1960kii markii laqaybinaya 33kii kursi taasi oo 6 degmo looqaybiyey ku waasi oo helay min shan xubnood iyada oo caasimada markaa loogu daray 3 xubnood loogu daray
Waxyaabaha kale ee laga dhaxlay mabdaaasi iskaa wax u qabso ugu yaraan 12 berkadood oo ah sibidh ah iyo 3 balay oo ay ku dhiseen iskaa waxu qabso ku waasi oo ilaa iyo hada la isticmaalo
Waxqabadkooda waxaa ka mid ahaa in 1961 ay bilaabeen dugsigii ugu horeeyey ee lagu dhiso iskaawax taariikhda Somalida u qabso kaasi oo ka koobnaa 4 galaas taasi oo markii danbe 10 sano kadib lagu dhisay Dugsigii sare ee Sheekh Cali Jowhar.
Ale ha u naxariistee odayaashaasi waxa kale oo ay ku hirgaliyeen in iskaa wax u qabso ay ku dhisaan 3 qol oo ahaa helth post, hase yeeshee maanta ah ay tahay MCH
Waxyaabaha Layaabka leh ee hindisahooda ku jiray waxay ahayd in ay Qori caro(waa qori dheer oo geedka mooliga layidhaahdo laga qoro kaasi oo dhexda dal jeexan laguna siiyo xoolaha carada,) u isticmaalaanin biyaha lagaga soo qaado ceelasha biyaha oo u jira 12km hindisahaasi oo aan hirgalin sobobtuna ay ahayd iyaga oo ka fikiray in geedkaasi dabargo o,hadaba intii ay noolaayeen uu iskaa wax u qabso majirin ee ilaa iyo maanta ayaa lagu yaqaanaa dadka reer Boon in ay iskaa wax u qabso ku shaqeeyaan iyada oo la dhisay hada laba dugsi sare oo hada Degmadu ay leedahay iyo iyaga oo dadku ka qayb qaatay biyo galintii Boon oo ay ku bixi lahayd 28000 $ taasi oo ku bixilahayd qodista Ceelka iyo qodista qasaabka kuwaasi oo dadka reer Boon ay Beel beel ugu tartamayeen waxaqabadka qoditaankaasi oo kaliya ay qalabka uun u keentay hayada UNDP Iyo UNICEF
Taasi oo soo afjartay Halhayskii” Ahaa Ma aanaa biyahooda ka dhigay buurta dabadeeda “oo maanta ay dadka reer Boon labada gacmood ku maydhaan.
Hadaba mabdani waxa aad uu ga hana qaaday dalka oo dhan wakhtigii dawladii ka caanka ee Maxamed Siyaad ay qabsatay dalka taasi oo lagudhisay wadooyin ceelal , dekado briishyo iyo waxyaabo kale waxana dawladaasi u samaysatay madax cashuuro layidhaahdo Iskaa oo ku jiray cashuurta dadweynaha laga qaado taasi oo aanan lagu celin in degmadii Boon halwado oo kaliya xataa aan loo samaynin waxana ay fikirkaasi u lumay habkii ay u luntay Jamuriyadaii Somalilad markay koonfur ku biirtay
Hadab maadaama maanta qaranimadii Somaliland ay lasoonoqotay waxa waajib ah in ay in ay dadkii fikradaaasi iskaawaxu qabso ku soo kordhiyey dalka ay abaal gud siiyaan oo ay
dadkaasi mashaariicda dalka ee lagu yagleelo iskaa wax u qabso ha ahaadaan mashaariicda hay adaha iyo kuwa kale ee dadwaynahaba ay ku yeeshaan Comisionu boqolkiiba hal taasi oo aananwaxa yeelaynin mashruucaasi isla markaasina horumarin u noqon karta
Ugudanbayn waxan ku soo gunaanadayaa maqaalka oo aan u soo jeedinayaa(Advocacy) dawlada ay gadhwadeenka ka yihiin Madaxweynaha , iyo madaxweyne xigeenka in ay xukuumad ahaaan degmadaasi Boon casuurta dalka ay ugu daraan boqolkiiba labo isla markaana waxan rajaynayaa in ay hayadaha sharci dajintu in ay ansixiyaan taasi oo degmada horumarkeeda waxweyn ka taridoonta dhiirina galindoonta dadweynihii hindisay fikradaasi iskaawax u qabso
lasoco qormada danbe

Qoraaga , Maxamed Xumar Warsame Xoosh
4100953 Boon Destrict