Horumarka iyo Baahiyaha Wali Ka Jira Degmada Boon Ee Ay Haboon Tahay In Wax Laga Qabto (Diirada Lughaya.com)

Boon waiters
Sida la og yahay Boon waxa loo maga caabay degmo taariikhdu markay ahayd November ,2008 , waxana ay ka tirsantahay degmooyinka ay ka koobantahay Gobolka Salal, Waxana maanta ay degmadu leedahay hal xarun oo shaqaysa (MCH/OPD) inkasta oo degaankeedu uu yahay mid balaadhan taasi oo aanay ku filayn hal xarun caafimaad oo kaliya.
Xaga waxbarashada waxa Boon ku yaala hada Dugsi hoose , Dugsi dhex , iyo dugsi sare kuwaasi oo dhamaan galaasyadiisu ay dhamaystiranyihiin. kaasi oo dhismihiisa qayb ka mid ah uu dhisay Mr Idirs Muxumed Sacad oo ah gacsade reer kasoo jeeda Degmadaasi.

Dhinacakale degmadu waxa ay leedadahay dugsi sare oo loogu talo galay farsamada gacanta (Vocational training school) kaasi oo lagu dhisay habka iskaa wax u qabso oo uu dhismahiisa dhisay Muwaadin reer boon ah oo degan dalka Holand , Mr Hasan Giire
kasokow hadaba waxbarashada aas aasiga ah waxa degmada Boon hada ay leedahay kuliyada da sharecada iyo qaanuunka taasi oo qayb ka ah Jaamacada Camuud.

Dhinaca biyaha degmadu waxa ay hada leedahay system Biyood oo qasabado ah kaasi oo aan wali fidin lagu samaynin,
Intaasi hadii aan kaga gudubno waxyaabaha ay degmadu ha leedahay waxa iyana xusid mudan in la sheego in degmada Boon ay ka qaawantahay gabi ahaan ba xafiisyada dawlada iyada oo aanay jirin saldhig Bolis , Jeel Maxkamad degmo, taasi oo sida ay qorshaynayaan gudida horumarinta Boon oo aan anigu xubin ka ahay.

Si kastaba ha ahaa tee su aasha isway diinta li xi waxa ay tahay halkee bay ku iloobeen xukuumadihii kala dan beeyey ee Dalku degmada Boon mar hadii ay dadka reer boon muujiyeen in ay iskood wax u qabsadaan.

 

Diirada: Lughaya.News.