Odaydhaqameedka Adal oo ku Dhawaaqay in Qadiyadii Somaliland ay u Dhamaatay Dalkana la Difaacdo

Taageero buuxda oo loogu yaboohay hadalka oday dhaqameedka Awdal, Selel iyo Galbeedka Gabilay ee ku wajahan jahowareerka ku habsaday geedi socodka maamul goboleedka la magac baxay Somaliland.

Waxa isa soo taraya jahawareerka ku habsaday maamulka Siranyo inuu sobobi karo dagaal sokeeye oo aan laga soo waaqsan wakhtigan oo ay Somaliland ku jirto wakhti aad u adag.

Hadaba shacabka reer Adal waxay si buuxda u taageereen hadalka odaydhaqameedka – gudo iyo dibadba; Waxa lagu balamay in maamul goboleedka “Qarafo state” uu soo xidhmay loona baahan yahay sidii loo difaacan lahaa dalka iyo xuduudaha boqortooyada ADAL.