Isku Aadka Wareega 8da FA Cup Oo La Soo Saaray, Man United Iyo Chelsea Oo Isku Beegmi Kara.
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Waxaa la soo saaray isku aadka wareega 8da ee koobka FA Cup, iyadoo ay dhici karto inay isku wajahaan Manchester United iyo Chelsea hadii ay wareega 16ka ka soo kala badiyaan kooxaha ay ku kala aadan yihiin.
Kooxdii soo badisa Manchester United iyo Reading habeen danbe ayaa waxa ay ku dhici doontaa kooxdii soo badisa wareega 16ka Chelsea ama Middlesbrough, iyadoo ay macquul tahay in wareega 8da ay isku wajahaan labada kooxood ee Man United iyo Chelsea.
Kooxda Manchester City ayaa iyadana waxa ay wareega 8da ku dhici doontaa kooxda Barnsley, halka Wigan ay ku dhici doonto kooxdii ciyaarta ku celiska ah ee wareega 16ka soo badisa Oldham iyo Everton.
Halka kooxda Millwall ay wareega 8da FA Cup soo dhaweyn doonto kooxda Blackburn.
Kulamada wareega 8da ee FA Cup waxaa la ciyaari doonaa 9ka iyo 10ka bisha March.
Isku Aadka Wareega 8da FA Cup:
Oldham/Everton v Wigan,
Man City v Barnsley,
Man Utd/Reading v Boro/Chelsea,
Millwall v Blackburn