Wax Ka Ogow Kulan Xiisa leh Wareega 16ka Champions League Ee Arsenal v Bayern Munich

arsenal vs bermunishKulanka caawa ee Emirates Stadium ayaa ka mid ah kulamada ugu adag ee isbuucaan ee wareega 16ka Champions League, iyadoo Arsenal ay soo dhaweyn doonto kooxdii finalka ka gaartay koobkaan xilli ciyaareedkii hore ee Bayern Munich. Labada kooxood ayaana la filayaa inay ciyaar adag ay ku dhexmarto caawa Lonodn.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

 

ARSENAL

Szczesny
Sagna, Koscielny, Mertesacker, Vermaelen
Arteta, Ramsey
Wilshere

Walcott, Podolski, Cazorla 

BAYERN MUNICH

Neuer
Lahm, Van Buyten, Dante, Alaba
Martinez, Schweinsteiger
Muller, Kroos, Ribery
Mandzukic

Iyadoo Nacho Monreal uusan koobkaan ciyaari karin, Kieran Gibbs uu dhaawac yahay, islamarkaanka Andre Santos amaah lagu siiyay Gremio isbuucii hore, Thomas Vermaelen ayay u badan tahay inuu booska daafaca bidix u buuxin doono tababare Arsene Wenger.

Mikel Arteta ayaan weli si wacan uga soo kaban dhaawaciisii, Wenger ayaana la filayaa inuu ku soo shirtago seddexda weerar oo kala ah Theo Walcott, Lukas Podolski iyo Santi Cazorla oo uu keyd geliyo Olivier Giroud.

Javi Martinez ayaa dhaawac ku seegay kulankii ugu danbeeyay ee Bayern Munich ee ay la ciyaareen Wolfsburg, laakiin waxa la filayaa inuu ku soo laabto kooxda hogaanka u heysa Bundesliga.

Claudio Pizarro iyo Holger Badstuber ayaa ka maqnaan doona kooxda martida ah, halka Jerome Boateng uu ganaax ku maqan yahay.

MA OGTAHAY?
  • Arsenal iyo Bayern Munich waxa ay kulmeen afar jeer koobkaan Champions League, iyadoo Gunners ay hal mar kaliya badisay.
  • Kulankoodii ugu danbeeyay xitaa waxa uu ahaa wareega 16ka Champions League, iyadoo kooxda Jarmalka ay wadar ahaan labada lug ku badisay 3-2 xilli ciyaareedkii 2004-05.
  • Olivier Giroud ayaa afar gool caawiye ka ahaa kulamadii wareega group-yada Champions league; kaliya Zlantan Ibrahimovic ayaa shan gool caawiye ka ahaa.
  • Lukas Podolski ayaa seddex gool ku dhaliyay seddex darbo oo fursad helay Champions League xilli ciyaareedkan.
  • Bayern Munich ayaa sagaal ciyaaryahan oo kala duwan ay shabaqa u soo taabatay wareegii group-yada.
  • Kooxda Jarmalka ayaa sidoo kale darbooyinka goolkooda ku wajahan ay ahaayeen kuwii ugu yaraa ee soo gaaray wareega group-yada kaliya 17.
  • FC Hollywood markii ugu danbeysay ee ay England ku badiyaan waxa ay aheyd April 2001, iyagoo wareega sideeda 1-0 kaga badiyay Manchester United islamarkaana wadada u sii saarmay inay qaadaan koobka.
  • Mario Gomez ayaa dhaliyay 25 gool, 26 kulan oo Champions League oo uu ku soo bilowday.

 

laacib.