Manchester Unted Oo Iska Xaadirisay Wreega 8da Ee FA Cup Ingiriiska Ka Dib Markii Ay Ka Gudubta Xalay Kooxda Reading
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Notice: Undefined offset: 0 in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/gabfire-media.php on line 22
Manchester United ayaa u gudubtay wareega 8da ee FA Cup ka dib markii ay 2-1 kaga talaabsadeen kooxda Reading, iyadoo haatan wareega 8da ku sugeysa kooxda Chelsea oo hadii ay ka soo gudubto Middlesbrough ay isku dhici doonaan.
Manchester United ayaa ciyaarta ku soo gashay iyadoo Sir Alex Ferguson uu sideed bedel ku sameysay kooxdii uu kala hortagay Real Madrid isbuucii hore, waxaana line-upkii Santiago Bernabeu ka badbaaday kaliya De Gea, Phil Jones iyo Danny Welbeck.
United ayaana ciyaarta iska heysatay iyagoo abuuray fursado badan, laakiin Reading ayaa iska caabineysay weerarka Red Devils iyadoo goolhayahooda uu fursado qatar ah ka beeniyay Man United.
Waxaana ay taasi keentay in qeybtii hore lagu kala maro barbaro goolal la’aan ah.
Waxaana ay hogaanka qabatay Manchester United daqiiqadii 62aad, Valencia ayaa kubad u dhigay Nani kaasoo darbooyin badan oo uu ka beeniyay ka dib markaas dabamarsiiyay Federici.
Waa goolkii 40aad ee uu Nani u dhaliyay Shayaadiinta Cas Cas tartamada oo dhan. Seddex daqiiqo ka dibna United ayaa hogaanka dheereystay, markaan waxaa goolka caawiye ka ahaa Nani halka Javier Hernandez uu ka ahaa dhameystire.
Ciyaarta oo 10 daqiiqo dhiman ayaana Reading ay hal gool soo ceshatay, waxaana u saxiixay McAnuff.
Manchester United ayaana ku badisay 2-1 iyagoo xaqiiqsaday booskooda wareega 8da FA Cup, waxaana ay wajihi doonaan midkood Chelsea ama Middlesborough kooxdii ka soo baxda wareega 16ka.