War degdeg ah Ciidan Beeleedyo Gadabuursi ah oo Fadhiisimo ka Samaystay Duleedka Magaalada Saylac

isBulacado (lughaya) Deegaanka bulacade ee u dhow jiida waqooji ee u dhaxeeya magaalooyinka Saylac Iyo Lughaya ayaa wararka ka imanayaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubaysan aya halkaasi ku sugan yihiin
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamadani oo iyagu ah difaac ay samaysteen shacabka aqlabiyada Degaanka Saylac iyo dadka reer guuraa ah ee Selel ku dhaqan ay samaysteen ciidamo ay isku difaacaan.
Talaabadani ayaa waxa ay ka danbaysay kadib markii dhawaan golaha dhaqanka ee beelaha gadabuursi ay ugu baaqeen kadka reer sheekh samaroon in ay dhulkooda difaacdaan oo aanay isku halaynin xukuumada
Sida uu shabakada wararka ee Lughaya News uu u xaqiijiyey Cabdilaahi faarax Cali oo isgu ka tirsan kooxdaasi ayaa sheegay in sababta kukaliftay in ay ciidamo diyaarsadaan ay tahay sansaanta colaadeed ee ka aloosan deegaamada xeebaha kuwaasi oo xukuumada Siranyo ay indhaha ka qarsanayso islamarkaana aanay ilaa iyo hada talaabo ka qaadin kooxo maleeshiyaad ah oo dhawaan xuduuda jabuuti ka soo talaabay kuna soogudbay dhinaca deegaanka Saylac

Lughaya News

Saylac, Selel