BULSHO XIGTII IYO XAFTIIBA LAGA MADHIYAY? BY ABROONE
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Dix Gudban-Maqaalkani Waxaanu Siidaynay Dhowr Sano Ka Hor Kolkaa Waxaanu Iminka Doorbidnay Inaanu Mar Labaad Haanu Bulshadda u Iftiimino Qaabkii Loo Xagal Daacshay Hogaankii & Ilbaxnimadii Qoomiyadda Gadabuursi’ Hadaba Xarraanka waxa uu Qoraagu Inaggu Tusaalaynayaa Ummad si Fiican u Hanaqaaday oo leh Xeer-Dhaqameed iyo mid Diineed ka Madhan Faldanbiyeed iyo musuqmaasuq ayaa waxaa Hoggaan u Noqday Dad aan Xeer Lahayn, Waayo-Araggiisuna Wasakhaysan Yahay. Haddaba dadkii Qummaati u Jarabaxsanaa way Xarraameen.waa kii Gabaygii Abwaan Dhoodhaana lahaa:
Adduunyada xinbow yaalla iyo, xadhig maleeggaase
Xaska haatan laysugu jiree, gool xawariyoobay
Xadaafiirta maakiban haddaad, yaraha xaalayso
Xodxodada wanaag haw malayn, waa xarfado baase
Xanbaariyo tabcadii dhaaftay iyo, weerar ku xabbaadhe
Xurmo laysku gaadaa jirtiyo, xeelo dhabar weyne ?
Sheekada aan kuu Sakaar-Wadho. Qoraalka waxaa Qiimayn kara oo kaliya labo Qof. Saddex ma aha, afar ma aha, oo shan ma aha. U Fiirso Soomaaliyey. Waxaa qoraalka qiimayn kara oo kaliya qofka Qoray Qof la Yaqaana ama mid ka Yaqaana. Haddii aad labadaa qof midkood tahay Qiimayntaadu waa ay nasoo Jiidan ee liishaanka u Ciiri, haddii Qoraalku Hadhuubkiisa Buuxsamana Aaska iyo Baroordiiqa waa laguugu yeedhi. Haddii aadan labadaa midna ahayn, Geesigu waa nool yahay ee adigu ha Dilin, Surma-Seegtada, Tiigsashada iyo iska Rid Billow aad la Hesheedana ka daa.
Lixdankii sidii loo dhidboo, calanka loo dhaabay
Qaar weli dhur-sugayaa jiroon, dhaashi loo marine
Dheeraad intoodii rag cunay oo, ruugga sii dhuraya
Dhaayahaygu qaar bay arkaan, dhabarku muuqdaaye
Dhuunyaalihii lacagtu wuu, dhuudayaa weliye
Masaakiinta kii dhaca haddaan, tiirka loo dhiginnin
Oo ayan xaqiisii dhadhamin, kii u dhimanaayey
Maxaad noogu dhalateen kuwii, hore ma dhaantaane
Maxaadse ugu dhawaaqdeen cadaalad aan, laga dhabaynaynnin? Waa Tixdii Abwaan C/Qaadir Xirsi ( Yam Yam alla Yaa Raxma )
Intaa hadaan kaga baxo Araarrta Maqaalka Haan u Bixiyay ( BULSHO XIGTII IYO XAFTII LAGA MADHIYAY ) Walaalkayoow Waxaanu Halkaan idiin ku soo Gudbinaynaa sida ay Afkaarta iyo Himilada Umadda ku dhaqan Mandaqada ay u kala duwan tahay oo markaa Qolona ay Hadh iyo Habeyn ugu taagan yihiin ka Mira Dhalinta Xaquuqdooda iyo Difaaca Dadkooga iyo dhulkoogaba, kuwana ay ku sifoobeen Dib-usocod iyo Dareen Doqonimo oo Muruqa iyo Maalkaba loo huro sidii Hamiga iyo Damaca looga Dili lahaa Haldoorka Qoomiyada Gadabursi kuwaasi oo Aqristow Haan u Bixiyay ”Bulsho Bahdilan’‘ hadaba waxaanu qoraalkan ku soo qaadanaynaa ”Sadex Qodob ama Waji oo maanta Umadan ugu Wacan Daranyada iyo Digo-Gubka. waana qoraalo taxane Noqon doona Haduu alle idmo:
WAJIGA KOOBAAD: Qaabkii loo Burburiyay saldanadii Gadabuursi iyo cidii loo Adeegsaday oo sokeeye iyo Shisheeyaba leh waxaanu ka soo Bilaabaynaa Sabankii Ugaas Nuur Ugaas Rooble: waxaa uu ku dhashay gobolka awdal kolkuu sanadku ahaa 1835kii milaadiga. hooyadiina waa Maro Geedi waxaa uuna boqornimada qaaday markay taariiqdu ahayd 1848kii waxaana lagu boqray ceelka ‘Baagi’ waxaa lagu tilmaamaa waa guaag nuure inuu ahaa ninkii ugu faseexad badnaa uguna aftahansanaa boqoradii ka horeeyay, waxaa uu ahaa ruux hadalka miisaama dushana kawada qaybay dhamaan maahmaahyada soomaalida waxaa uu gaadhay heer loo nisbeeyo dhamaan waxii dhagaha dadka ku soo dhaca oo murti iyo maahmaah taasoo la’odhan jidhay ugaas nuur ayaaa sidaa iyo sidaa yidhi, Marar badan ayeey Isqabteen isaga iyo Cilmi Warfaa oo ahaa adeerkii Gabayo badan oo Xifaaltan ahaana waa uu dhexmaray waxaa kamid ahaa gabaygii ( Gorayadu ilmaheeda waxay Dhigtaa Meel Arooriya Shimbirtuna Arooskey Dhistay Ubadka Geysaaye )wuxuuna ahaa ugaas nuur nin aad u ilaasho xeerka uu ka dhaxlay awoowyaashii waxaa kale oo uu ahaa ruux cadaalada ku xeel dheer aan ka weecan’ wax badana oo xeerar ah ayuu ku daray intuu boqornimada hayay.
Intaa waxaa u dheeraa waxaa uu ahaa Hogaamiyihii ugu horeeyay ee samaysta ciidan u gaadh ah kuwaa soo ay Goorwaliba hareeraha ka taagnaayeen iyagoo Qalabaysan waxaa ka mid ahaa cadaaladiisii in mar laba nin isku qabsadeen Geenya dhalatay kolkaa oo uu nin waliba yidhi geenyadaydii baa dhashay farduhuna waxay ahaayeen kuwa meel wada daaqi jidhay arinkii baa la bixin kariwaayay kadib ugaas nuur ayaa soo jeediyay kolkay dixdu soo rogmato labada geenyo dhinac halageeyo tani dhashana docda kale ha lageeyo kolkaa ta daadka soo jiidha labada geenyo ee utagta ta yar taasi ayaa dhashay geenyada yari ee lagu murmayo’ sidiibaana layeelay oo labadii geenyo midbaa daadkii soo dhex-jibaaxday gaadhayna dhasheedii,aqristoow mudadii ugaas nuur uu boqranaa kolkay taariiqdu ahayd 1876kii,,,,,
La Soco Qaybta Labaad….
Ref: Ilbaxnimadii Adal & Sooyaalka Somaaliyeed
W: D: Suxufi Abroone.