Somalilad Waa Meel Hal Hal Ugee Ay La Mid Tahay Sedex (1+1=3) Diirada Lughaya
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Hargaysa .LUGHAYA Waxa khamiistii madal balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa bilad sharafyo lagu gudoon siiyay 100 qof oo loo aqoonsaday hal-doorka Somaliland waxtaray labaataneeyaddii sanadood ee ay jirtay.
Barnaamijkan oo siwayn ay u buunbuunisay xukuumada Siranyo ayaa waxa dadka biladahaasi la siiyay ku jiray wasiirka madaxtooyada Somalilad sida lasheegay bilad sharaf hawlkarnimo taasi oo uu madasha ku gudoon siiyeyadeerkii Axmed Siranyo waxana dadku is waydiinayaan waxyaalaha ay kusalaysantahay biladan lasiiyey Xirsi wakhtigan xaadirka ah oo la ogyahay dhibaatooyinka siyaasadeed ee caqabadaha ku keenay xidhiidhadii siyaasadeed ee ay Somaliland lalahayd wadamada beesha caalamku ay tahay masuuliyiinta uu isagu ugu horeeyo ee jagoojinka sarsare ka haya xukuumada oo noqday kuwo xidhiidhi dhow la leh xooxaha argagixisada islamarkaana uu yahay shakhsiga shacabka reer Soomaaliland ugu neceb yihiin ee xukuumada ku jira abuurana khilaafka soonoqnoqanaya ee madaxweynaha iyo madax weyne kuxigeenka dalka , maxaa keenay hadaba in isagu noqdo qofka mutaysta Bilada noocan ookale ah.
Arintaasi oo dadbadan ku kaliftay in ay munaasibadaasi u turjuntaan in ay ahayd mid Siranyo iyo wiilka uu adeerka u yahay uuni ay u dabaaldagayeen saaqidnimadooda . “Waxan la yaabanahay sabata Bilad sharaf uu u heliwaayay bilad sharaf Maxamed Xaasi oo la ogaa heerka uu gaadhsiiyey miisaaniyadii iyo cashuurihii dalka balse Xirsi oo ah sharka kaliya ee ku jira golaha wasiirada Somaliland loo siiyey taaasi sow kama dhigna uun iskuhaye iskamahagrado.” Sidaasi waxa u sheegay shabakada wararka ee Lughaya qof ka gaabsaday in la sheego magaciisa.
Dhinacakale arintan ma aha mid lala yaabo waayo siyaasiyiinta qaar waxa ay aaminsanyihiin in bulshadan tahay mid aan lahayn dur iyo nafci toona maalinta ay u baahdaana hantida ay ka urursadaan cashuurta laga qaado dadka masaakiinta ah uu ay codkooda ku iibsadaan kuwaasina waxa ka mid ah madaxwenaha dalka.
Diirada: Lughaya.News.