Maxkamad Ku Taal Dalka Maraykan Oo La Soo Taagay Budhcad Baddeed Soomaali Ah

pirMinnesota - LUGHAYA  Maxkamad ku taal magaalada Norfolka ee dalka maraykan ayaa loo taagay shan qof oo budhcad badeed soomali ah.

Shanta qof ayaa lagu eedeeyey inay markabka Ashland oo ay ciidamada badda ee Mareykanku leeyahay ay ku rasaaseeyeen xeebaha bariga Afrika sanadkii 2010, iyagoo u maleynayay inuu yahay markab ganacsi oo ay doonayeen in ay afduubtaan.

Ciidanka saarnaa markabka la weeraray ayaa iska caabbiyay rasaasta ay ridayeen burcad badeedda, waxaana halkaas ku dhintay mid ka mid ahaa kooxahaas, halka dhowr kalana ay dhaawacmeen, iyadoo la soo qabtay tiro kale.

Benjamin Lucas Hatch oo ka tirsan dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ujeeddadoodu aysan markii hore ahayn burcad badeeddu in ay weeraraan markabka ciidamada, hase yeeshee uu qorshahoodu ahaa inaay afduubtaan markab ganacsi si ay madax furasho uga qaataan.

Toddobaadka dambe ayaa dib loo dhageysan doonaa dacwadooda, iyadoo loo yeeri doono badmaaxiin markabka la weeraray xilligaas saarnaa. Haddii dambiga loo heysto lagu helo eedeysanayaasha waxay wajahayaan xabsi daa’in.

 

Lughaya.News.

Minnesto.