Prof: Saleeban Axmed Guuleed Oo Ka Mid Noqday 100-ka Qof Ee Loo Xulay Abaal Marinta Ka Dib Markii Uu Danta Guud Gacan Ka Geystay +Sawirro
Hegeisa – LUGHAYA Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud( Siilanyo) ayaa ka qayb galay xaflad balaadhan oo 100 qof loogu tala galay in abaal marino lagu gudoonsiiyo dadkaas oo bulshada somaliland wax la taaban karo ku soo kordhiyo.
Bandhigan oo lagu magacdaray (Qiime Qofkaaga) oo ay soo qaban qaabisay Ururka qiimaynta qaranka ee SONEC halkaas oo lagu gudoonsiiyey 100 ka adib markii ururka SONEC ay samay sadaraas socday muddo bil ah ayaa waxaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey 100-kii qof ee loo arkay inay bulshada wax tareen iyo naftoodaba.
Bandhigan ayaa lagu qabtay Huteelka Mansoor ee magalada hergeisa halkaas oo lagu gudoonsiiyey 100 qof oo isugu jira Siyaasiyiin, Culima awdiin,Dadka u dooda xaquuqal insaanka, Musharaxinta xisbiyada qaarkood,Ganacsato, Aqoon yahano iyo Ururada ka shaqeeya horamarka bulshada qaarkood.
Gaba-gabadii madaxweynaha somaliland oo 100 qof ee la soo xulay gacanta kaga riday shahadooyinka ayaa madashaa ugu madceliyey Rashiid Sulub Caalin oo lahaa curinta, agaasinka iyo isku dubo-ridka barnaamijkan”Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq aad iyo aad u balaadhan uga soo jeediyo Rashiid Sulub Caalin oo hawl aad iyo aad qiimo iyo qaayo leh ee taariikhiga ah ee lagu qiimaynayo dadka Somaliland wax u taray iyo dadkeeda qiimaha leh iyo hal-doorka ee maanta barnaamijkan isku soo dubo riday ee ka fikiray ee soo sameeyay, waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo”
Madaxwayne Siilanyo oo hadalkiisa mahadnaqa ah sii wata ayaa yidhi”Waxa kale oo aan iyagana halkan hambalyo uga soo jeedinayaa dadka qiimaha leh ee wax ka gaystay Somaliland magaceeda iyo taariikheedda ee xafladan lagu soo magacaabay ee sharafta ku mutaystay, Waxay ila tahay qof walba shacbigiisa iyo dadkiisa haddii aanu qiimayn ummad noqon maayo, ummad waxay ku noqdaan oo taariikhda ku galaan oo dad lagu noqdaa qiimaynta ummadiisa, dadkiisa iyo shacbigiisa”








