Qaar Ka Mida Qurbo Jooga Goboladda Awdal, Salel, Iyo Gabiley Oo gargaar Lacageed Soo Gaadhsiiyaay Dhismaha Dhakhtarka Degmada Lughaya


Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
51  Waxan dhawaan deeq lacageed oo gargaar ah gadhsiiyay gudiga dhismaha dhaqterka  Degmada Lughaya   qaar ka mida jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda gobolada aan kor ku xusnay  kuwaas oo xil iska saarey inay u guntadaan waxna u qabtaan baahiyaha  xaga horumarka ee gobolada  ay ka soo jeedaan iyo guud ahaanba  degaanada ku xeeran,
         
 Hadaba  lacagtan  ay dhawaan soo gaadhsiiyeen gudiga  qaabilsan  dhismahaa ayaa aad iyo aad uga mahadceliyaay  sida ay u soo xuseen
 una soo xasuusteen   dadkan walalahood ah ee kala jooga daafaha dunida iyagoo sheegey ineyna wali dhamaan howsha dhaqtarku,  lakiin ay lacagtani buuxinayso qeyb weyn oo ku dhaweyn karta inuu soo gabagaboobo  dhawaan insha allaahu.  Howsha  muddada socotey ee lagu dhisayay  dhaqterkaa oo loo qabo baahi weyn  ayaa  degmada iyo degaanka ku dhowba aanay gabi ahanba lahayn  wax daryeel caafimaad ah,  kana rajo sugaya  walalahooda  dibbada iyo gudahaba jooga iney la dhamays tiraan cisbitaalkaas.
 
        Deeqdan lacagta ah oo dhaneyd  6720$ (lixkun todoba boqol iyo labatan, US Doller)
 ayaa waxa soo gadhsiisey  gudigan  dhismaha dhaqterka wada
  marwo XAAWA CABDI, oo ka mida hablaha degan  LONDON UK.
 
 iyadoo sheegtey iney  lacagtan  soo direen  jaliyadaha  iyo shaqsiyaad kala ah 
 
1- 2070$ US Dollar,  oo soo direen   qaar ka mida  dhalinyarada degen  magalada ZURICH ee dalka SWITZERLAND. oo wakishey AADAN.
2-1800$  US Dollar, waxa soo direy  YONIS  CALI  WACAYS  oo degen MARAYKAN   USA.
3-1500$  US Doller, waxa soo direy  Hablaha  degen HOLLAND  oo wakiishey  MAKKO  YUSUF  CADAAWE.
4-1000$  US Doller, waxa soo direy  XASAN MUUSE oo degen  DENMARK.
5-350$   US Doller,  waxa soo direy   qarka mida  Hablaha degen LONDON,UK. oo wakiishey  XAAWA  CABDI.
     
 Waxan hadaba  halkan ugu mahad celinaynaa  dhamaan dadkaa wax soo baxsadey illahna ha ugu daro miisanka xasanaadka 
waxan rajaynaynaa walalaha kalena iney sidaas oo kale soo xasuustaan howsha dhaqterkan oo dhowdhow iyo bahiyaha kale ee jiraba.
 
Guul iyo Midnimo Ayan Idiin Rajeynaynaa  SALAMU CALYKUM WARAXMA.
 
BY, Ahmedyasin Adan. Zurich.