Saraakiil Ka Tirsan Hayada FAO Oo Saaka Kormeer Ku Sameeyey Mashaariic Ay Ka Hirgaliyeen Magaalada Borama
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Borama (Lughaya.com).Saraakiil Deeq bixiyaal ay ka mid tahay Hayada FAO ayaa maanta kormeer ku soomaray Sariimada Xaafada Sheekh Axmed Salaan ee magaalada Boorama waxaana ku wahelinayay madaxda dawlada hoose ee magaalada Boorama.
Hawshan indho indhaynta ah ayaa waxa ay saraakiishaasi ugu kuur galeen xaalada Sariimada oo dhawaan loo dhamaystiray dadka ku nool xaafadaasi waxana ay fiirinayeen sida looga faaiidaysto mashruuraasi dhimaha sariimada.
Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Boorama Mr Maxamed Xaashi Xamari ayaa isagu ka war bixiyey halkaasi waxaanu uga mahad celiyey taageerada ay ka gaysteen mashruucan hay’adaas FAO waxaanu ugu baaqay dadweynaha xaafadaasi in ay daryeelaan sariimada.
Xubno kale oo ka tirdsan dadwaynaha xaafadaaasi ayaa waxa ay iyaguna balan qaadeen inay ilaashandoonaan sariimadaasi maadaama xaafadaasi tahay xaafad aad uga fog magaalada una baahan sariimad.
Lughaya.News.
Borama/Offices.

