Shirkii Beelaha ADAL ee Gadabursi oo Maanta Si Rasmiya Uga Furmay Magaalada Edmonton ee Dalka Canada
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
EDMONTON – Shir si wayn loosoo qaban qaaabiyey oo ay aayahooda ay kaga tashanayaan beel waynta Gadabursi ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Edmonton, Alberta ee Dalka Canada.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen maamul goboleedka Awdal State ayaa lagu soo casuumay dhamaan laamaha bulshada ka kooban yihiin, aqoonyahanka, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada iyo qurbojooga.
Wadatashigan oo kusoo beegmay wakhti maamul goboleedkii SNM ee Somaliland la odhan jiray uu fashilmay oo gacan-ku-dhiiglayaashii marka hore umulo-dooxa iyo dhiiga caruurta Gadabursi mujaahidnimo ku sheegan jiray ay gacmahooda isku halaageen oo xaqii shacabku uu kasoo baxay.
Shirkan oo la filayo in intii bulshada reer Adal rajada beenta ah ka qabtay maamulka SNM inay gacmaha qabsadaan walaalahooda marka hore ka quustay maamulka SNM oo ay horkacayaan dhawr calooshooda u shaqayste oo siyaasada maamulka jarka ka riday oo ku talaabsaday talaabooyin aan loo dulqaadan karin lagagana aamin baxay maamulka Hargeysa.
Go’aamada shirka ayaa la filayaa maalmaha soo socda hadii eebe idmo