Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qaraxyada Ku Soo Badanaya Magaalada Muqdisho

samadMuqdisho(LUGHAYA.COM) Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudha iyo amniga qaranka C/samad Macalin ayaa waxa uu talooyiin amniga lagu sugayo uu u soo jeediyay dowlada fedaraalka ee Soomaaliya .

Mr C/samad aya sheegay in mar waliba oo ay Al Shabab la soo baxan qidado cusub in dowlada laga doonayo in ay iyana la soo baxdo qorsha cusub oo looga hortagayo isla markaana loo baahan yahay in Amaanka si xoogan loo sugo markasto oo hadal ka soo yeedho xarakada al-shabaab.

Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudha iyo amniga qaranka C/samad Macalin ayaa farta ku fiiqay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo ciidamada amniga ay tahay furha guul laga gaaro amaanka, si loo helo xog badan oo ku saabsan halka ay ku dhuumalastaan malayshiyaadka al qaacidada soomaaliya ee al shabab.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qarankii dawlada kumeel gaarka ahayd ee soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay xukuumadda imika  jirta ay ku guul daraysatay sugida amaanka xarumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalada muqdisho, taas oo u sahashay malayshiyaadka al shabab inay weeraro iyo qaraxyo ka dhex fuliyaan gooboha caanka ah ee xamar ka dhisan.

 

Lughaya.com

Muqdisho.