SPORT:Neymar Oo Seegaya Kulanka Ay Kooxdiisa Caawa La Ciyaareyso Getafe

neymar

 

 

 

 

 

LUGHAYA SPORT:Calool xanuun ku dhacay Neymar ayaa u diiday inuu caawa u ciyaaro Barcelona kulanka Copa del Rey ee Getafe halka isaga bedelkiisa loo soo yeeray Xavi Hernandez.

Xiddiga reer Brazil ayaa xanuunkiisa la shaaciyay maanta iyadoo dhakhaatiirta ay ku amreen inuu gurigiisa iska joogo oo uu nasto

Ciyaaryahanka khadka dhexe Xavi ayaa lagu soo daray kooxda Gerardo Martino isagoo bedelaya Xavi. Xavi ayaa markii hore kooxda looga saaray arimo farsamo aawadeed, iyadoo Martino uu doonayay inuu nasasiiyo 33 jirkaan madaama ay axada la ciyaarayaan Atletico Madrid. Ilaa iyo haatana lama yaqaan haddii Neymar uu ciyaari karo kulanka Atleti.

Neymar ayaa xilli ciyaareedkan u saftay Barcelona 21 kulan ka dib markii uu Santos ka soo dhaqaaqay xagaagii.