Suugaan: Maanso la Magac Baxday Xilasho
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Notice: Undefined offset: 0 in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/gabfire-media.php on line 22
suugaan: Maanso la Magac Baxday Xilasho
Hambalyada abwaanada
Hilinkeeda gudashada
U hibaynta dumarada
Hubsigeeda sacabada
Runtii hooyo xilashadu
Aday kugu hagaagtee
Hubdhigeeda ila qaad
Himilada fogaalada
Hadafkiyo caddaymaha
Hanqal taag hamuumyada
Hilawgiyo ku baridadu
Aday kugu hagaagtee
Hadhac wacan guddoonsii
Hammigiyo kalgacalada
Hubsigiyo kalsoonida
Halabsiga ka helashada
Hogga saxan bariidadu
Aday kugu hagaagtee
Haaneedi kulanada
Halacsiga ujeedada
Hanaqaadka gabanada
Hoy wacan u hoyashada
Haldhaa wacan ka xulashadu
Aday kugu hagaagtee
Hayaankeeda kaalmee
Hadaaqiyo kabuubyada
Halistiyo dhibaatada
Hantaaqada macaasida
U haliilka cawrada
Waa hoogga gubashada
Anna heedhe digashada
Hawo madhan u xilashada
Hammi kuma sabaayee
Hoobaanta gurashadu
Aday kugu hagaagtee
Bal u hiili hanadada
Hurhuruufka dawyada
Hinji waaga fulayada
Hanti dhawrka odayada
Huriwaaga gacalada
Hayb-raaca guriyadu
Waa heere cududada
Kaala haafa bawdada
Oo habsaansha qaranada
Aan hoorsho midhahee
Hawraarta gabayada
Waxay himilo tabashadu
Igu tidhi hal gocashadu
U hagoog ujeedada
Aday kugu hagaagtee
Habboonaan maxaad garan
Cabdifataax Daahir Cige (saylici)
mudane_22@hotmail.com
cairo