Faalo: Dahir Rayale Waa Axmed Gurey II
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Notice: Undefined offset: 0 in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/gabfire-media.php on line 22
Sida aynu wada ogsoonahay axmed gurey wuxuu ahaa halyeygii soomaali oo dhami xusto geesinimadiisii iyo hogaankiisii iuo dagaalyahanimadiisii taasi oo keentay in dadka afka soomaaliga ku hadlaa ay aad iyo aad u xusaan.
Axmed Gurey wuxuu ku dhashay duleedka degmada Saylac (dooxa waraabood)
rugtiisu waxay ahayd degmada saylac halkaas oo ahayd xaruntii boqortayadii Adal ee ka koobnayd 99ka wasiir iyo boqorka.
Saylac waxaa ku dhacay habaar waayo? dad badan oo soomaali ah oo ganacsi u iman jiray ayey samaroonka markaa xukumi jiray Saylac waxay u geysan jireen dhibaatooyin uu ka mid yahay dhac, hantida oo qofka masaafurka ah laga dhaco waana ta sababtay in ay Saylac dunto ayaa la odhan karaa.
Maanta waxaa soo baxay Axmed Gurey Laba (Ahmed Gurey the Second – II) oo aan odhan karo waa Dahir Rayale.
Darajo ayuu Dahir Rayale siiyey Saylac maanta. Darajada u gaadhsiiyey Rayaale waxay tahay isagoo soo nooleeyey Saylac boqortooyadeedii una magacaabay gobol uguna magac daray Selel oo ah nin ka soo jeeda beeshii axmed gurey ee Abreyn.
Dahir Rayaale waxaa kale oo uu soo wadaa badhasaabka gobolka oo ah beeshii axmed gurey iyo dhamaan maamulka gobolka laakiin rayaale waa in uu tixgaliyo beelaha kale ee la walaalka ah beeshaas gobolka sida -bahabar-celi, bahabar-abokor, bahabar-muuse, reer-maxamed, reer-dudub, cismaan guula, reer axamed, iyo mamaasan oo abti loo yahay kuna dhaqan jabuuti sida Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxweyne ka ah jabuuti.
Ugu danbayn dad badan oo ah reer Awdal, Selel, Gabiley iyo qurbuha oo xitaa siyaasad ahaan taageersan Rayale waxay naawilayaan in markan Dahir Rayale – Selel uu gacanta ku qabto si uu hanto taageerada guud ee mujtamaca oo dhinac walba leh.
Elmi Ahmed
London, UK
elmi545@gmail.com