Maxaa Laga Qabtay Jidgooyadiilagu Dilay Afartii Qof ee Masaafuriinta ahayd ee aan Hubaysnayn
Notice: Undefined variable: counter in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/inc/theme-gallery.php on line 43
Notice: Undefined offset: 0 in /home3/saylicip/public_html/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/gabfire-media.php on line 22
Dadku waxay ku wadanoolankaraan nabad, nabaduna waxay ku xidhantahay sida la iskuxaqdhowro ee midba midka kale uu ugu ilaaliyo xuquuqdiisa asaasiga ah.Hadiise taa la waayo dadku kuma wada noolaan karo nabad ee waxaynoqonaysa in colaad joogta ah lagu noolaado. Markaa si colaada loogabadbaado waa in la helaa xuquuqwaliba oo maqan iyo tan maanta aandaba joogno ee ah ragii ay dhagarqabayaashu ku gaadeen dariiqa udhaxeeya kalabaydh iyo dila.
Waxaan su’aalahanjawaabtooda ka filayaa in ay naga shaafiiyaan gabi ahaanba cidaykhusayso:-
Tolka ay ka dhasheen dad-qalatidii joogsatay dariiqa u dhaxeeya kalabaydh iyo dila wali war sugan kama hayno, tolkayow inoo cadeeya ragii idiin keeni mayno ee idinku raadsada ama waynu idiin keeni!
Dowlada Somaliland hadalqaadka dulmigii meesha ka dhacay kama hayno ee hanoo kala cadayso in ay dacwadihii taagnaa dowladii hore in ay iska tuurtay iyo in caddaaladii, tii hore ay ka indha qabsatay inay waxka ka qabato oo ay soo taagto maxakamad gaacan ku dhiiglayaasha.
Culimada ku dhaqan Soomaliland ee shareecada islaamka maxay uga hadli wayday. Oo ay xaqa uga aamustay. Oo ma alaahu ma ballaqtu bay kujoogsadeen
Hadii sadexdaa su’aaloodaan laga jawaabin ogaada sidii xeer dhaqan uu ahaa ku dowladeed iyoku islaamba midna lama marin, dhacdadaa dhacday ee fooshaxun waxaynanoqonaysaa mid dowlada, golaha dhaqanka iyo golaha shareecadaislaamka ee somaliland ay iska indhatireen.
Waxaan aan soo sheegnayoo dhami waa cadaalad darro iyo foolxumo u soo hoyatay umada reer Somaliland.
Ujeeddaiyo haatan:
« Weeydagantay maantee, nin dadaa sii qudhunleey, anigoo aan dabar jarindibnahaygaa kama dhigo.
intay labadadarood, mid aan uun darmada dhigaan, faraskayga kama dago »
Haddiidhiigayagu si rakhiisa lagu illoobi jirey, manta waxa bilow ah inarrintaasi, cideeda ilaa qiyaamuhu ka dhaco ayna ka hadhaynin.Ilaa laga gungaadhayo ama aan u aarno.
Cadaaladbaa na deeqda ama ciiddaa na deeqda.
Raggii si fulaynimo iyobini aadan darro loo laayay ee:
1)CALI BAGAASHLE
2)ENG: DAA’UUD
3)MAWLIID
4)CALI AW-CUMAR
ILOOBIMAYNO!!!
FathiAbdi
BahaGadabursi iyo Birmingham (UK)
Aniga oo magacygu yahay moumina Ali Aw Cumar ,ahna gabadha ka mida gabdhaha reer Awdal ee Aabayashood lagu dilay dhacdadii ka dhacday jidka u dhexeeya kala baydh iyo dila 12/07/2009 wxan leenahay aad ayey uga gabiyen tolkay inay wxa laga qabto, madama Aabahy iyo 3 marxuun ee kalaba ay ahayeen dad aan wxba galabsan oo jidka marayey isla markana aanay hunbaysnay. Si kibir iyo arxan daro ahna loogala dagay baabuurtii saarnayeen halkana loogu gaystay dil aad u fool xun, hadanu nahy ubadka ka hadhay marxuumadan afarta ah gaaar ahaa qoyska reer Ali Aw cumar Barre wxay arintani nagu noqotay arin aanu marnaba maskaxdayada ka faruqin ama aanan ilawiin khasatan markastoonu Aragno qof u safraya Hargaysa casimada Soomaliland ama aanu arkagno qof safara maraya . hadaba wxan idinka codsanayaa hadad tihiin dad dareen leh inaydan ilawin diigii ragiina,Dowladana wxan leeyahy inay wxka qabato hadii kale aynoo cadeeyan lug haday ku leeyahiin , walin lama arag dowlad dhisan oo la leeyahay qaran ban nu nahay hadana calankeega dhiig ku hoos dadanayo iyadoo dalku nabdoon yahay coladina ka jirin ,ilayn qofkaga wxad ka samita marka lagu dilo colado ka jira meshad ku nooshahay.Soomaliland madaxdeeda, siyasiyiinteeda, Culimadeeda , Aqoonyahankeeda ,Cuqasheeda wxan leenahy Illahy Xaga sheega buu yidhi ee idinku waad Asasteen Xaqayagii Iyo Xuquuqdii Anu ku lahyn Dalkan ama qarankan.