Ka Qaybgalka Banaanbaxii Lagu Taageerayay Jiritaanka Somaliland Ee Ottawa Maxay Dad Shalay Safka Hore Somaliland Ka Ahaa Uga Xumaadeen?

Waxaan marka hore halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha qiimaha badan meel kasta oo ay joogaanba Anigoon jeclayn inaan ujawaabo Shabakada wararka ee la yidhaahdo Harowo.com, taasoo lagu soo qoray qoraal sawir wata oo lagu duray sadex nin oon anigu kamid ahaa sadexdaayadaas ayaa horta lagala soo dhexbaxay umadii aadka utirada badnayd ee dareenkooda soomaalilandnimo muujisay maalintii bishu ay ahayd 23 feb sadexdaayada waxaa kamid ahaa Dr Taani oo taariikh lama ilaawaana ku leh Somaliland , taariikh lama illaawaana ku lahaa ururukii UFO.

warsidaha Harowo.com aan inyar wax ka sheegee horta warsidahaasi magaca uu wato iyo waxa uu ka shaqeeyaayi ismalaha waa magac uu isticmaalayo nimaan gayin,harawo waa doox ku yaala deegaanka aan deganahay ee galbeedka, waana dhul aad u qaniya oo la beerto.

Hadaba shakhsiyada tafatiraha Harowo.com hadaan inyar ka iftiimiyo waa shakhsi jirjiroole ah oo shalay wuxuu difaaci jiray jiritaanka Somaaliland, waxuuna aad u taageersanaa xisbigii UDUB,waxaa dhacday marqudha in uu isbadalay oo uu ka horyimid Somaaliland isaga iyo inbadan oo ahaa taageerayaashii madaxwaynihii Somaaliland ee doorashadii lagagga guulaystay Dahir Riyaale.

Hadaba waxaa isweydiin mudan in la isweydiiyo, Ninka maamula Harowo.com ee qaylada iyo oohintu ka dhamaatay muxuu shalay ku taageerayay Somaliland oo ay reer Awdal Manfac ku qabeen, Maxaase maanta maqan ee shalay la haystay? Jawaabta su’aashani waa, waxba ismay bedelin aan ka ahayn Kursigii Riyaale oo Siilanyo ku fadhiistay, mooyi haduusan isagu waxkale ogayn.

Waxaa dhacday inaan aragnay in dadkii aadka udifaaci jiray ay maanta yahiin kuwa raba in soomaaliland lagu kala tago madaama waxay taageeri jireeni ay ahayd shaqsiysaad ee aanay ahayn taageero ay hayaan wadan iyo ummadd nabad ku nool oo la baxday Somaliland, waxaana maanta la xag-xaganayaa dadka reer awdal ee dibada jooga inta jiritaanka soomaaliland ogol, inta dhib iyo dheefba la qaybsanaysa walaalahooda Somaliland ee ilaahay wadadejiyay.

Walaalyaal ilaahay majecla Munaafaqnimada iyo isbedbedalka iyo maalinba shaadh la soo baxa, waayo shalay qofka Somaaliland shakhsi ku ahaa waxaan u malaynayaa in dadku fahmayaan oo aanu cidna khaldi karayn ama Awdal State sheegta ama dumarka iyo ciyaalka dabada soo galiya, waxaan idiin sheegayaa inaanay taasi joojinayn Somaaliland taageerada aan uhayno, nabadaa ay dadkayagu ku nool yihiina waxii carqaladaynaya aanaan cidna ujoojinayn iskana qaban doono.

Raga anaga wax inay naga sheegaan rabawna is-cadeeya oo kasoo baxa daaha dabadiisa aad ku dhuumanaysaan, hadaad u malaynaysaan in dadka aad maalinba sidaad rabtaan u hogaamisaan taasi waa wax aan dhacayn khaladbaanad fahamteen wakhtigii baana idiin run sheegay waxaanad qaadan laadihiin runtii, walalaalayaal wado kale oo aan Somaaliland ahayn oo idiin banaani ma jirtee tanaad magac iyo mansaba ku hesheene dadkiina dhinac ka soo raaca

Axmad Garaad
Ottawa Canada

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments