Faallo: Saylac yaa leh ? Qaran, Qoomiyad Mise Qabiil? Aaway Dadkii Umaqnaa Magaaladan Qadiimiga?

Sanad ka hor waxaan ka hadlay dhibaatada haysata magaaladan qadiimiga ee Saylac oo ay ku habsatay nasiibdaro dabiici ah , siyaasad xumo iyo dad la’aan gudaha iyo dibada

, dhibaatooyinkaas oo aan ka tilaamnay   badweynta ku xeeran magaalada oo gudaha u soo gasha  suuqyada iyo guryaha la degan yahay  taas oo dhibaato ku haysa dadka iyo degaankaba ilaa hadana aysan jiren cid iska xilsaartay , mida labaad degmadan Saylac wax daryeel kama aanay  helin nidaamyada dawliga ah ee kala dambeeyay iyada oo ahayd degmadu meelaha ay la soo baxaan cashuuraadka ugu badan ee  bariga iyo baddu  mida sadexaad, dadka sheegta  degmada  saylac oo ilaa hada aan la aqoon cida ay yihiin qurbaha iyo gudahaba  sobob waxqabad muuqdana oo ay ka sameeyeen ma jiraan  degmada ay kasoo jeedaan ama sheegtaan.

intaas hadii aan ku dhaafno mowdiicii hore maanta waxaan wax waxyar ka iftiiminayaa  qaybaha ay ukala baxaan dadka magaalada saylac sheegtaa ama ku abtirsada iyo  karti darada qurbojoogta reer saylac.

Magaalo madaxda Saylac oo ahaan jirtey   hooyada  ilbaxnimada , hoyga culuunta sayniska  , diimaha iyo farshaxanka ,  meel kulmisa  dadyow  kala duwen oo kala wata dhaqano , caadooyin iyo diimo kala duwen ayaa la ildaran dhibaatooyinka aan kor ku soo xusnay iyadoo dadka  sheegta ama ku abtirsadaa ay ku baahsan yihiin caalamka . Hadaba marka ay nu ka tagno qabiilka iyo qabyaalada waxaynu  inyar ka faaloonaynaa waxtar laanta qurbojoogta iyo qolqoljoogta degmada saylac oo noqday kuwo  aan fikir iyo faaiido ku soo kordhin magaaladan aad  moodo inuu habaar ku dhacay markaad eegto xaaladeed degaan. aan ku horeyno oo aan  u kala qaadno sadex qaybood   dadka sheegta magaalada saylac.

1. dad aan ku dhalan ama u dhalan magaalada oo aaminsan in  awoowyaashii ama qabiilkiisu deganan jireen sidaadna ku sheegta magaalada laakiin aan  waligii cagtiisa dhigin magaalada saylac waxtarna aan u lahayn .

2. dad ku nool magaalooyinka waaweyn ee jabuuti , boorama , diri dawa iyo hargeysa oo mar uun dhegtooda ku dhacday magaalada saylac idinka ayaa lahaa berri ilaa hadana aan cadayn karin sida iyo qaabka ay ku yeesheen waxtarna daa hadalkii.

3. kooxdan sadexaad waa qayb mudo yar ku noolaan jirtey ama deegaan ahaan xad la leh  saylac oo ay keeneen dhaqaale yar markii magaaladu gudhayna iskaga haajirey laakiin aan ka tagin sheegashadeeda oo luxudka la soo kaca marka dhaqaaq siyaasadeed ka bilaamo balse aan waligood gudun u soo daabin magaalada baahida badan ka muuqato.

Hadaba iskuwada geeyoo magaalo yaa leh ? ma ninkii waxtara , camira ,dhibtana iyo dheeftaba  la qaybsada ayaa leh mise ninka aan waxna u tarin waxna ku kordhin ee magac ahaan sheegta maalinta dhaqdhaqaa jirona madax kor u soo qaaada ?

Qurbojoogta reer saylac xagay joogaan ama maxay ku iloobeen magaalada magaceeda iyo muuqeedu kala weyn yahay maanta ? maxaan mar uun u maqli weyney mashruucaas ayay ka fuliyeen degmada? dhaqtarkiibaa dayacan, iskuuladii baa daldaloola dekadiiba jajabtay , biyo macaan ma leh .. maxay talo iyo tusaale mid uun dadkooda u tari waayeen ileen dadka qurbaha degamada ka  joogaa ma yara oo carab iyo cajaba waa leeyihiini?

Sheegashada madhan inta la iska dhaafo magaalada ha loo gurmado  inta gacmaha la isqabsado goboladan Awdal iyo Salal waligood ka bixi maayaan dhibaatada dhaqaala xumada ee haysata ilaa inta ay dib udhis ku samaynayaan dekadaha daayacan ee ku yaal magaalooyinka qadiimiga ee ay ku duugan tahay taariikhda ma guuraanka ah ee soomaaliyeed.

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments