Faallo:Nidaamyada Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta Gadabuursi Kufashilmeen iyo Kuwo Aan Wali Latijaabin.?

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida qaalibka,  nidaamyada siyaasadeed  ee qunyar socodka ee  ay ilaa hada tijaabiyeen  qoomiyada Gadabuursi ayaa ah kuwo faashila  ama guuldaro ka muuqato

sida _taageeradii taliskii Maxamed Siyaad oo aan hiil iyo hooba u huray sanadihii 80 aadkii iyo 90 kii  ee qabaailada gobolada waqooyi ku kaceen ayaa iyaduna bedelkooda  inaga iibin jirtey hubka markay timaado difaaca dalka iyo dadkaba dagaalkii Alaxsaab (snm, ciise , itoobiya iyo jabuuti) ee la isku soo baahaystay Gadabuursi . Mida labaad  baabuurta tecknikada ahna inaga kireyn jirtey marka cadow dhexda u galo baabuurta  hunguriga  u wada gobolkan  cuno qabataynta ay saareen  dalalka Djibuuti, Ethiopia iyo jabhadii SNM oo Caabuda u Fadhiisatay. waxakale oo xasuusteeda leh ,Mashaariic horumarineed oo ay ka fulisayna gobolka iyo darajooyin ay dadka dheeraayeena oo la siiyay  ma jirin  inta la xasuusto.

 Nidaamkan Awdalstate ayaa isna fashil ku dhow ama la odhan karaa wuu khaatumaystay  sobob  isqabqabsi siyaasiyiin layli ah  oo beeshu kala weyn tahay magaca uu sito iyo  iskooxaysi  maldahan oo ka dhex dilaacay nidaamka gudihiisa  ,   jaah wareer siyaasadeed oo ay ku rideen dadka ay magacooda xambaarsanaayeen markii la arkay in darajadan madaxnimo  kaliya lagu raadsanayo mansab siyaasadeed oo lagaga qayb galo kolba dawladii Muqdisho laga dhiso sida aan ku aragnay gogaamiyayaashii kala dambeeyay ee Maasheeye , Rashiid   iyo  tixgalin la’aan  beelaha kale ee gobolka dega  ayaa  iyadu qayb ka burburka Awdalstate oo aan laga qayb ama saami laga siin waayay dhismihii dawladeed ee awdalstate ama ku dhawaaqideediiba.

Somaliland oo aan ahayn qabiilkii ugu horeeyey ee si buuxda uga qayb gala dhismaheeda , wakhti badan iyo feker badani ka galo  ayaa ilaa hada aan laga hayn wax mar uun lagu qanco ama u cuntama dadka wehelka ka dhigta  fikirka Somalilandnimada. Maxaweyne ku xigeenkii igu horeeyey ayaa ahaa Cabdiraxmaan Awcali oo darajadaas ku helay isaga oo ahaa sarkaal ka tirsanaa jabhadii qabsatay gobolada waqooyi kadib,  burbur iyo xasuuq ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa keenay wada shaqayn laaan ka dhex dhalatay nidaamkii dawliga ahaa ee lagu soo dhisay Boorama ee ay hogaaminayeen jabhada SNM iyo madaxweynihii markaas ee Cigaal.

Daahir Rayaale oo wakhtigu keenay ayaa noqday madaxweynekuxigeen iyo madaxweynaha Somaliland muddo ku dhow 10sano aakhirkiina  xafiiska ka baxay isaga oo ilaa maanta ka jawaabi kari la’ ama u soo bandhigi kari la’ wixii hortaagnaa ee uu wax uga qaban waayay tabashada gobolada awdal ama qoomiyada ku abtirsata labadaba,.

Intaas kadib, nidaamyo asxaab siyaasiya oo  soomaaliland  ka jiray oo ay dabada ka riixayaan bulsho isbadal doona wixii doonaa ha ukala  qarsoonaadeene  laakiin ka midaysnaa   saluuga nooca hogaamineed ee Daahir Rayaale ayaa madaxweyne-ku xigeen ku soo baxay Cabdiraxmaan Saylici iyada oo ilaa hada tabashadii taagan tahay oo aanay waxba iska badalin  saluugii ka dhashay  saami  qaybsiga beelaha wada dega Somaliland oo aan lataaban wali ..

Soomaaliweyn oo aynu u direy macalinka macalimiinta soomaaliyeed Axmed Ismaaciil oo hoos iyo guudba ugu sheegay inuu mushahar la’aan ugu shaqayn doono dalka iyo dadka  soomaaliyeed si ay uga baxaan silica siyaasadeed ee haysta ayaa jawaabta uu helay noqotay  noqotay 8 cod oo ay siiyeen intii la diirka ahayd. Mid xasuus mudan , dawlad kasta oo laga soo dhiso muqdishana waynu ognahay saamiga ay siiyaan gobolka Awdal.

Intaas oo nidaam siyaasadeed ah oo aanay bulshadaydu haakah ku odhan  waxaan u malaynayaa inaan aniga iyo akhristayaashayadu isku raacsanay in aan tijaabinay natiijadeediina hayno badankood inkasta oo wali dadka qaar ku adkaysanayaan in Saylici  iyo Awdalstate wakhti u hadhsan yahay ama la siiyo.

Waxaakale oo dhalinyaro reer  awdal ah ka maqlaa  magacyo  ay kamid yihiin boqortooyadii Adel dib in loo soo celiyo, Awdallland , djib-awdal , ethio-awdal iyo kuwo kale oo dhamaantoodba u muuqda nidaamyo qunyar socod ah…

Waxaan maqaalka ku soo ururinayaa  nidaamka kaliya ee ilaa hada aan la tijaabin waxaan isleeyahay waa mid Jibhadeed oo u baahan fikir dheer , saaxiibo dalalka jaarka iyo adkaysiga xanuun badan oo lala kulmi doono.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments