BREAKING NEWS:Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya Oo Ogolaaday Codsigii Ugu Yimid Dhanka Ra’iisalwasaraha

bar

Muqdisho(LUGHAYA.COM)-Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u ogaaladay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya codsigiisii ahaa in 10-cisho oo dheeri ah loogu daro si xukuumadiisa oo dhameystiran u horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya.
Ilo-wareedyo Lagu Kalsoon Yahay ayaa soo sheegaya in xildhibaanada ogolaadeen ra’iisal wasaaraha dalabkiisa ahaa in la siiyo 10-cisho.

Ujeedka maanta oo ahaa in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Baarlamaanka horgeeyo xukuumadiisa cusub si codka kalsoonida ugu qaadaan ayaan suurta galin,waxaana ra’iisal wasaaraha markuu tagay barqanimadii maanta xarunta Golaha Shacabka hadal uu jeediyay ku codsaday in maalmo dheeri ah la siiyo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kulankoodii maanta ku bilowday buuq iyo sawaxan ka dib markii uu xarunta tagay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

 

Lughaya.News

Muqdisho

Ilaa 139 Xildhibaanada ayaa u codeeyay codsiga Ra’iisul Wasaaraha, halka 47 Xildhibaan ay diideen codsigaas, waxaana natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo mar kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto 10 cisho dheeraad ah oo uu ku soo dhameystirayo Xukuumadiisa.
– See more at: http://risaala.net/articles/24492/DEG-DEG-Baarlamaanka-oo-ogolaaday-dalab-kaga-yimid-raiisal-wasaaraha#sthash.5HwzNOh9.dpuf

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments