SPORTS:Chelsea v Man City – Costa & Fabregas Oo Seegaya Kulan Horyaalka Lagu Go’aansan Karo & Lampard Oo Ku Laabanaya Stamford Bridge

chelsea-vs-manchester-city

LUGHAYA SPORTS-Caawa haddii Eebe idmo waxaa garoonka Stamford Bridge isku arki doona kooxaha ku hardamaya hanashada horyaalka Ingariiska iyadoo Chelsea ay soo dhaweyn doonto kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City.

Chelsea ayaa haatan shan dhibcood ku heysa hogaanka horyaalka laakiin kulanka berri ayaa lagu tilmaamay mid u qalma lix dhibcood, madaama haddii Chelsea ay badiso ay sii dheereysan doonto hogaanka horyaalka, halka haddii City ay badiso ay kaliya labo dhibcood u soo jirsan doonto Blues.

Chelsea waxaa ganaax kaga maqnaan doona weeraryahankooda Diego Costa kaasoo 17 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan Premier League islamarkaana manta ganaax seddex kulan ah kala kulmay FA-ga Ingariiska.

Dhanka kale Man City waxa ay weli u careysan yihiin Cameroon kuwaasoo ay taageerayeen kulamadii ugu danbeysay ee qaramada Afrika si ay u harto Ivory Coast islamarkaana ay dib u helaan Yaya Toure iyo Wilfried Bony laakiin Ivory Coast waxa ay ciyaareysaa wareega 8da ee qaramada Afrika.

Dhanka kale Frank Lampard ayaa ku soo laabanaya garoonkii uu halyeeyga ka ahaa muddo badan, waxaana la filayaa inuu soo dhaaweyn kala duwan kala kulmo jamaahiirta Chelsea, kuwaasoo ku kala aragti duwan halyeeygoodii hore.

Lampard ayaa xagaagii hore si xor ah kaga tagay Chelsea, waxaana uu markaas sheegay inuu ku biiray New York City iyadoo la shaaciyay inuu amaah lix bilood ah ugu ciyaarayo Man City laakiin waxaa soo baxday in heshiis uusan la gelin New York City FC balse uu heshiis hal sanno ah u saxiixay City kuwaasoo horyaalka kula tartamaya Chelsea.

lampard

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa ganaax uga maqnaan doona kulankaan ka dib markii FA-ga ay ku heleen danbi ah inuu ku istaagay Emre Can kulankii Liverpool waxaana la ganaaxay seddex kulan oo kulankaan uu ka bilaabanayo.

Cesc Fabregas, Branislav Ivanovic iyo Filipe Luis ayaa dhamaantood ku dhaawacmay kulankii League Cup ee ay ka badiyeen Reds, kaliyana Ivanovic ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulanka caawa.

Labada ciyaaryahan ee Manchester City Yaya Toure iyo Wilfried Bony ayaa ka maqan kooxda.

Ivory Coast ayaa u soo baxday wareega xiga ee koobka Qaramada Afrika taasoo la micno ah inuu baaqi ku sii ahaanayaa Afrika.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea (4-2-3-1): Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Ramires, Matic; William, Oscar, Hazard; Drogba.

Man City (4-4-1-1): Hart; Clichy, Kompany, Demichelis, Zabaleta; Nasri, Fernandinho, Fernando, Milner; Silva; Aguero.

MA OGTAHAY?
  • Manchester City ayaa kaliya labo kulan oo Premier League ah ku badisay Stamford Bridge, tii ugu danbeysay waxa ay aheyd 4-2 oo ay ku badiyeen bishii Febraayo 2010.
  • Ma jirto koox Chelsea kaga badan guulaha ay ka gaartay Premier League kooxda Man City, iyaga iyo Arsenal ayaana min 22 jeer ka badiyay Sky Blues.
  • Chelsea ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee Man City, inkasyoo City ay garaacday Chelsea labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay ee FA Cup.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments