SPORTS:Real Madrid v Real Sociedad – Cristiano Ronaldo Oo Ganaax Labo Kulan Ah Uu Maanta U Bilaabanayo

real-sociedad-vs-real-madrid-en-tdn-610x300

LUGHAYA SPORTS- Kulanka: Real Madrid v Real Sociedad Garoonka: Santiago Bernabeu Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Isagoo durbaba guul ka soo gaaray Barcelona xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Spain, David Moyes ayaa u kaxeyn doona kooxda Real Sociedad garoonka Bernabeu halkaasoo ay galabta ku wajahayaan kooxda Real Madrid isagoo soo dhameystay ganaax labo kulan ah oo uu ku maqnaa.

Howl adag ayaana sugeysa kooxda martida ah iyadoo Real Madrid ay hogaanka u heyso La Liga islamarkaana kaliya hal jeer lagu hor garaacay taageerayaashooda xilli ciyaareedka oo dhan.

Si kastaba, Los Blancos waxaa ka maqnaan doona Cristiano Ronaldo kaasoo uu u bilaabanayo ganaax labo kulan ah ka dib markii uu laaday xiddiga Cordoba Edimar kulankii ay isbuucii hore 2-1 kaga badiyeen kooxda ku cusub xilli ciyaareedkan La Liga.

Madrid ayaana lagu qasbay kulankaas inay sugto ilaa iyo xilli danbe inay hesho guusha, iyadoo Gareth Bale uu ismuujiyay markii Ronaldo casaanka la siiyay isagoo rigoore dhaliyay xilli danbe ciyaarta.

Carlo Ancelotti ayaa rajeynaya in xiddiga reer Wales oo xilli ciyaareedkan mararka qaar lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkiisa ama go’aan qaadashadiisa inuu mar kale buuxiyo booska uu baneeyay xiddiga reer Portugal.

Inkastoo uu ka maqan yahay Ronaldo, Madrid ayaa heysata awood ay koox walba dhibaatada adduunka ugu abuurto, waxaana guul ay gaaraan markii afaraad oo isku xigta ay ka caawin doontaa inay si ku meel gaar ah hogaanka horyaalka ugu sii qabtaan afar dhibcood madaama Barca ay ciyaareyso berrito.

Kaliya Atletico ayaa Real ka horjoogsatay inay ku badiyaan Bernabeu xilli ciyaareedkan, halka ay badiyeen lix kulan oo isku xigta horyaalka oo ay ku ciyaareen gurigooda, iyagoo mudadaas dhaliyay 24 gool halka laga dhaliyay kaliya seddex gool.

Isco, Pepe iyo Luka Modric ayaa dhamaantood shaki ku jiraa taasoo la micno ah in Sami Khedira iyo Raphael Varane inay sii ceshan doonaan booskooda shaxda kooxda.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Casillas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Khedira, Kroos, Rodriguez; Bale, Benzema, Jese

Real Sociedad: Rulli; Elustondo, Gonzalez, Martinez, Yuri; Granero, Pardo, Vela, Prieto, Canales; Agirretxe

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments