Faalo:Kala Saarista Doorashooyinka Madaxtooyo iyo Wakiilada Oo Shaki Geliyay Doorashooyin Dalka ka Dhaca Bilawga 2016KA

Madaxweynaha Soomaaliland mud.axmed maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa dhawaanta soo saaray digreeto lagu kala saarayo labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada lana filayey inay sannadka dambe mar ka wada dhacaan dalka .Wareegtadan ama dirgreetadan madaxweyne Siilaanyo soo saaray ayaa waxa uu u cuskaday arrimo siyaasadeed oo dalka ka taagnaa tan iyo markii lagu dhawaaqay goonisutaagga dalka 1991kii ,arrimahaasoo xukuumadihii ka horreeyey awoodi kari waayeen sababo la xidhiidha xaaladihii dalka iyo duruufihii taagnaa intii ay xilka dalka hayeen .
Inkastoo arrimaha ama sababaha M/weyne Siilaanyo u cuskaday kala saarista labada doorasho yihiin kuwa la garawsan karo hase yeeshee dhinaca kale marka la eego waxay kala saarista labadana doorasho sii kordhisay shakiga siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafidkaba leh ee kasoo horjeeda in wax laga beddelo heshiiskii dhex maraya xisbiyada siyaasadda ,komishanka iyo xukuumadda ,kuwaasoo ay filayeen inay yihiin kuwa lama taabtaan ah una fulaya sidii lagu heshiiyey.Kala saarista labada doorasho oo an tan wakiilada weli loo qaban ,iyo tan madaxtooyada oo halkii an laga dhaqaajin ayaa durba waxa ka biyo diiday qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo xisbiyada siyaasadda siiba masuulyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Marka laga tego saamiqaybiga gobolada qaar ka doonayaan xukuumadda Siilaanyo ,lguna daro qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan lixda goobood ee awdal iyo Hargeysa anay weli ku kala bixin ayaa waxa kasii daran xiisadaha wejiyada kala duwan leh ee ka taagan Bariga dalka ,dagaal beeleedka Ceel afweyn , lana barbardhigo heshiiska iyo waanwaanta lgausoo dhaweynayo kooxda Khaatumo, doorashada G/wakiilada oo anloo hayn xeer lagu maamulo,dibna loo eego muddokordhintii loo sameeyey xukuumadda KuL,mIYE iyo arrimo kale oo qarsooniba marka loo fiirsado dad badan oo reer Soomaaliland iyo ajaanibka dalka ka caawiya doorashooyinkuba isweydiin karaan sida soomaaliland ay uga dhici karaan doorashooyin wada socda ama doorasho keli ahi ,shakina laga muujin karaa sida xitaa doorashada madaxtooyadu dalka uga dhici karto wakhtigii loogu talogalay ee March 2016ka,iyadoo ad moodeyso in xukuumaddu ku ambabartay arrimahaasi wakhti lix bilood ku dhawaad ay ka hadheen doorashooyinka la filayo,loona baahnaa in arrimahan murugsan ee isbiirbiirsadayxukuumadda looga baahnaa inay kala furfurto.
Inkastoo la filayo in arrimo badan oo doorashooyinka sannadka dambe fudeydin kara xukuumaddu wax ka qabato arrimaha xasaasiga ahna siyaasad ku furdaamiso ,hase yeeshee marnaba surtagal maaha inay dhammaystirto caqabadaha baajin kara in doorashooyinku ama doorashada madaxtooyadu wakhtigoodii ku dhacaan .
Marka laga yimaado arrimaha kale ee daafaha dalka ka taagan ,arrinta ugu muhiimsan uguna culayska badan ayaa ah saamiqaybsiga G/wakiilada ee horyaalla Madaweynaha ,taasoo looga baahnaa in M/weyne Siilaanyo walkhti hore dacarna haka qadhaadhaatee go’aan ka qaato balse an looga fadhiyin inuu kolba guddiiyo,iyo ururro shicib ah u xilsaaro go’aan ka gaadhisteeda sidaa darteedna
Ugu dambayntiina dadweyne iyo siyaasiyiin badan ayaa ka walaacsanyihiin muddokordhin kale ,isqabqabsi kale iyo is aamin la’aan kale loona baahanyahay in xukuumaduu shacbiga iyo siyaasiyiintaba tusto wadiiqo kale oo ay dib ugusoo celin karto kalsoonidii lagu qabay in doorashada madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayso.
Maxamed cumar sheekh

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments