BOORAMA:MIISAAN KALE IYO MUSHARRAX HOR LEH SII ADKEEYEY LOOLANKA M/KUXIGEENKA XISBIGA WADDANI

Booram a ,Sept – Loolanka mansabka M,weynekuxigeenka xisbiga Waddani ee Doorashooyinka soo socda ayaa sii xiijiyey culays kalena sii saaray Wasiirkii hore ee wershedeha xukuumadda Siilaanyo,C/risaaq Cali Cusmaan oo daraad ku dhawaaqay inuu u taaganyahay musharraxnimada mansabkaasi .

Shri Jjaraaid oo u ku qabtay Huteel Rays ee Boorama ayaa waxa uu wasiirkaa hore sheegay in la gaadhay wakhtigii uu mansabkaasi isu taagi lahaa isagoo mucaarad ah isla markaana u haysto fursad u ku guuleysan karo marka la iskugu yimaaddo shirweynaha xisbigaasi ee la filayo inuu dhawaanta qabsoomo.

Musharrax C/risaaq Cali Cismaan ayaa haatan ku biiraya ku dhawaad sideed musharrax oo reer awdal ah oo horey u shaaciyey inay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ugu tartami doonaan M/weynekuxigeenka dalka ee mustaqbalka ,lamana oga in wasiirkaa hore seddexayn doono labada musharrax ee haatan ugu cad cad musharraxnimada mansabkaasi ,kuwaasoo kala Guddoomiyaha koowaad ee xisbigaasi ,Axmed Muumin Seed iyo Maxamed Cali iyadoo dhinaca kalena musharraxnimada C/rixaaq Cali Cusmaan sii adkayn doonto loolanka reer awdal ugu jiraan mansabkaasi , dad badan oo halkan joogaana guddoomiye Cirro dhawr jeer ku canaanteen inuu musharraxiinta reer awdal ee mansabkaasi foodda isugu gelinayto loolan adag loona baahnaa inuu wakhti hore si cad u xusho cidda mansabkaasi uga tartami doonta xisbigiisa doorashooyinka soo socda

maxamed cumar sheekh

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments