Falanqaynta Musharaxiinta Madaxwayne Kuxigeen Ee Xisbiga Wadani Ciro Ayaa I Wata!


Waxa ay tirade Musharixiinta ah ee u Tartamaysa Jagada Madaxwayne Ku Xigeenka ee Xisbiga Wadani gudahiisu maraysaa in ku dhaw 10 Musharax oo intuba ah muwaadiniin reer Somaliland ah oo isa shaaciyay, Musharixiintaas ayaa intooduba yihiin rag lagu amaani karo hanka siyaasadeed ee ku jira iyo hiigsigooda fog ee ay qaarkood xilal iyo shaqooyin muhiim ah oo ay lahaayeen inta meel iska dhigeen ay damasan yihiin in ay siyaasada Somaliland ka midho dhaliyaan.
Ma ahase mida xiisaha badan hankooda siyaasadeed iyo hiigsigooda, balse waxa ay tahay tartanka Jagadan M/Ku Xigeenka ee musharixiinta Tira beeshay isku taagtay isku mar, waxana la iswaydiin karaa waxa ay salka ku hayso ahmiyada uu leeyahay Booskan loo tartamayaa.
Waxa jira qayb ka mid ah Ra’yul-caamka reer Awdal ah oo aaminsan in musharixiintan hadh-beeshay ee M/Ku Xigeenka ee Xisbiga Wadani ay tahay tab iyo xeelad cusub oo lacag loo abuurto, lacagtaas oo xisbiga ka anfacaysa in uu danahiisa ku fushado, dadka sidan aaminsan ayaana waxa ay daliishanayaan inaana xisbiga Wadani laga waayin dhexdiisa cid kala reebta musharixiinta cidlada iska hirdinaysa balsee ay ujeedadu tahay in la helo ama faraqa loo dhigto lacagta 50ka kun ee doolar ah ee shuruuda u ah in uu shubo qofka raba in uu isku sharaxo jagada M/Ku Xigeenka ee Gudaha xisbiga Wadani, taasi oo hadiiba ay ka dhab tahay Musharixiintan ay qaarkood shubayaan taasna uu xisbigu kaga kaban karo maalmo ololaha doorashada ah.

Fikirka lacag abuurku kuma koobna ee kaliya xisbiga Wadani, balse waxa aad mooda in ay jiraan Musharixiin badan oo ka faaiidaystay curintii fikirkaas, isla markaana la yimid qorshe ay lacag ku heli karaan mudo gaaban, sidana waxa aaminsan qayb kale oo ka mid ah Ra’yul caamka reer Awdal ah. Dadka sidan aaminsan ayaa waxa ay qabaan In Musharixiin badan ay dantooda kama dambaysta ah ee isharaxaadan ay ka leeyihiin ay tahay gorgortan dhinaca maaliyada ah oo laga soo min guuriyay damacii dhulka ee halhayskiisu ahaa Ku’qabso oo ku qadi mayside, waxana dadka fikirkan aaminsan ay sababtoodu tahay in ay arkayaan Musharixiin badan oo nuxurkoodu yahay in ay bariba tanaasulaan balse shuruuda ay wataani ay tahay in wixii kharash ah ee ka baxay dib loogu celiyo.

Mid kale oo ra’yul caamkaas reer Awdal ah ayaa waxa uu qabaa in Dulucda Musharixiintan ay tahay dagaal hoose iyo hirdan mustaqbalka ah oo salka ku haya arinta ah “Ninka aad maqasha ka rabto geela ayaa la waydiistaa” taas oo micnaheeda ama dulucdeedu tahay in Musharixiin badan oo M/Ku Xigeen isku sharaxday maanta ay fariintoodu ku Wajahan tahay Gudoomiye Ciro iyo Mustaqbalka hadiiba uu xisbiga Wadani ku guulasto talada dalka oo hiigsigoodu yahay in ay sii xalaashadaan Booska ama xilka Wasiirnimo ee barito, iyaga oo markaasi marmarsiiyo uga sii dhiganaya in ay tanaasuleen, doonayay in ay meel ku qoraan balanqaad aan laga baydhi Karin oo meel mar ah.

Qayb kale oo xiiso leh oo ra’yul-caamka reer Awdal ah ayaa waxa ay is waydiinayaan nuxurka iyo ahmiyada ku soo korodhay Booskan M/Ku Xigeenka ee sida wayn la iskugu hirdinayo marka la barbardhiga booska Madaxwaynaha oo aan ilaa hada la hayn cid ciro kula tartamaysa, waxana arintan xiisaha u sii yeelay waxa y tahay iyada oo dad badani is leeyihihiin malaha ninkii Ciro ee Golaha Sharcidajinta fadhiyay ayaa wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay awoodaha iyo shaqooyinka M/Ku Xigeenka, sidaas aawadeed ayaana keentay in booskan la isku hirdiyo, loolankii loo baahnaa in loo galo Booska Madaxwaynahana ka dhigay mid hoos u soo daadagay
Si kastaba ha ahaatee mida ugu xiisaha badana ayaa waxa ay tahay in qayb muhiim ah oo ra’yul-caamkaas reer Awdal ah ay aaminsan tahay in arinkale oo xiisaheeda leh taas oo ah in Musharixiintan ay ka siman yihiin halhayska ah “Ciro ayaa Aniga I Wata”, hadal hayntan ayaana waxa ay dad badan xusuusinaysaa siyaasada Soomaaliya ka socota ee halhayskeedu yahay Musharax Hebel Kenya ayaa wadata, Musharax Hebel Beesha Caalamka ayaa Wadata iyo Musharax Hebel Gabre iyo Ethiopia ayaa wata, markase halhaysyadan kulmay laga yimaad ayaa waxa ay iswaydiintu tahay Hadiiba ay run tahay in Gudoomiye Ciro mid kasta dhegta wax ugu sheegay Waa kuma kan dhabta iyo kama dambaysta ah ee ku guulaysan doona Jagadan.
Warjiraase Cakaara ayuu Iman!

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments