Safarka Wafdiga Madaxwayne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye Ma U Muuqdaan Kuwo Waddani U Baneeyay Saaxada Siyaasada Iyo Damashlaynta?

cid kastoo la socotay socdaalka wafdiga m/weyne Siilaanyo u kaxaystay dalalka carabta iyo Yurub waxay cid kastaa garan kartaa inay ka mid yihiin masuuliyiin miisaan culus ku leh xukuumadda Kulmiye .Marka xubnaha wafdiga G/wasiirada ee la socda madaxweynaha loo dhabbo galo ,lana barbardhigo masuulyiinta isla golahaasi ee lagaga tegey dalka waxay cid kastaa garan kartaa in faraq weyni u dhexeeyo.Wasiirada ugu awood badan ee ku hadhay dalka ayaa waxa ugu horreeya wasiirka daakhiliga oo an weli kala garanayn magacyada magaalooyinka degaanada Galbeedka dalka , kana yimi Bariga Dalka ,xilkana hayey muddo kooban kunasoo beegmay dagaal beeleedyo loo maaro la’yahay oo ka dhacaya Bariga dalka iyo Ceel afweyn.
Waxa kale oo meesha ka maqan guddoomiyihii xisbiga talada haya ahna musharaxa mansabka Mweynaha ,Muuse Biixi Cabdi oo isagu isteerinka u haya xisbulxaakimka arrimhiisa .ragga kale ee ka maqan dalka ee uu ugu horreeyo wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ,iyo wasiirada xidhiidhka golayaasha,Xanaanada xoolaha , arrimaha debedda ,qorsheynta , xildhibeenno badhasaabyo iyo niman kale oo miisaan ku leh dawladda kulmiyeba waxayna dalka ka tegeen iyadoo u awoodda dhinaca siyaasadda u xisbiga KULMIYE shidanayo dalka ,taageerayaal ku filanna u haysto,hase yeeshee maanta la ogyahay sida xisbiga mucaaradka ah ee Waddani usii xoojiyey awooddiisa dhinaca siyaasadda isla markaana hogaankiisa lagu wareejiyey nimankii ama siyaasiyiintii ka mid ahayd g/wasiirada xukuumadda xisbulxaakimkana ka baxay shirweynihiii lagu magacaabay musharraxnimada Muuse Biixi.
Inkastoo M/weynekuxigeenka ahna kusimaha madaxweynaha dalku weli u maamulayo sidii lagaga tegey wax isbeddel ah ama amnidarfro ahi anay ka ka dhicin ,hase yeeshee dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed ee xisbiga mkucaaradka ah ee Waddani ka wado dalka iyo caasimadda ayaa u muuqda kuwa fursad fiican ka helay safarka m/weynaha maadaama an dastuurka dalku m/weynekuxigeenka awood u siinin inuu farageliyo ama joojiyo wax kasta oo khuseeya siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadda mana muuqato cid maanta horjoogsan kasta dhaqdhaqaaqyada siyaasadda ee xisbiga mucaaradka ah kaasoo haatan u diyaargaroobaya shirweynihii uu ku dooran lahaa cidda u hogaamin doonta dalka sannadaha soo scoda hadii uu ku guuleysto doorashooyin ka la filayo horaanta sannadka dambe .
Si kastab ha ahaatee wafdiga M/weynaha ,wasiirada iyo hogaanka xisbulxaakimka ee la socda ayaa u muuqda kuwa dalka kusoo laabta wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen lagana yaabo inay awood u waayaan sidii ay uga daba tegi lahaayeen ,una jari lahaayeen masaafadda xisbiga Mucaaradka ah jaray intii ay dalka ka maqnaayeen marka laga eego dhinaca taageerayaasha iyo iyo miisaanka ku biiray xisbigaasi ,waana goor dambe in xisbulxaakimka wakhtigani kaw kasoo bilaabo halkii u taagnaa laba sano ku dhawaad ka hor oo anay cidi dalka ku haysanin ,waxase la eegi doonaa halka u ka bilaabo marka ay qamaamuurta xisbigaasi iyo masuulyiinta dawladduba dib ugusoo laabtaan dalka.
Maxamed cumar sheekh(hayna)

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments