YAA YIDHI SHIRWEYNIHII XISBIGA WADDANI AYAA BILOWDAY ARBACADII?

Shiwerweynihii muddada la sugayey ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa la sheegay inuu arbacadii bishani ahayd 19ka ka furmay caasimadda Hargeysa welina uu ka socda huteelada waaweyn ee magaaladaasi maalintii afraad .
Furitaanka la sheegay in shirweynahaasi furmay iyo sida an weli looga gaadhin ujeeddooyinkii laga lahaa ayaa hinaca kale waxa muuqata inaan si dhab ah shirweynahaasi u furmin balse uu xisbigaasi u furmeen kaambayn siyaasadeed iyo xallintra khilaafaadka xisbigaasi hadheeyey muddooyinkan dambe kuna saabsan musharraxiinta mansabka M/weyekuxigeenka oo si weyn loogu kala qaybsanyahay ilaa hadda .
dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee xisbigaasi ka wado caasimadda ,iyo sida weli golaha dhexe ee xisbigaasi u dooranin hogaamiyayaasha xisbiga ee mustaqbalka ,musharraxiinta mansabka m/weynaha iyo kuxigeenkiisa loona ballansanyahay sabdita bishani 22ka in arrimahaasi lagu kala baxo hase yeeshee sida khamiistii la sheegey anay ergooyinkii golahaasi qaarkood soo gaadhin caasimadda kuwaasoo ka kala iman lahaa gobolada Bari ,Badhan ,Sool ,Buuhoodle ,sanaag Bari iyo meelo kaleba .
Marka loo dhaboo galo qaabkii shirweynayaasha xisbiyada qaranku u dhici jireen ee ahaa in ergooyinka Golaha dhexe oo diyaar ah la kala dooransiiyo oo kala ah hogaaminta xisbiga ,iyo musharraxiinta iyo golaha fulinta ,kaasoo qaadan jirey ugu badnaan maalin ama laba maalmood balse haatan xisbiga Waddani uu shirweynihiisu marayo maalaimntii afraad ,lagana yaabo inuu wakhti kale lagusii daro maalintii ,wanad mooddaa in shirweynaha waddani yahay kii ugu wakhtiga dheeraa uguna culayska badnaa ee xisbiyada siyaasaddu ku qabsadaan .
Shirweynahan Waddani oo shacbi iyo xukuumadba indhaha lagu hayo ,ayaa u muuqda mid an weli bilaabmin ,balse ay u bilaabmeen oo keliya isbarashada taageerayaasha ,masuulyiintiisa ,musharraxiintiisa ,qurabjoogiisa ,taageerayaashii kusoo biiray ee kulmiye ka goostay ,iyo kuwii hore u aasaasay ,lana filayo in shirweynahaasi sabtida si dhab ah uga bilowdo Huteel Maansoor ,natiijada halkaa kasoo baxdaana noqon doonto mid wax weyn ka bedesha jawiga siyaasadeed ee xisbigaasi ku noolaan doono ilaa doorashada madaxtooyada sannadka dambe .
ugu damb ayntiina Waddani waxa horyaalla arrimo ka duwan kana culus kuwii kulmiye dhex yaallay ,waxana saaxadda siyaasadeed iyo xaaladda xisbga qaboojin karta ama sii shidi karta hadba sida loo maareeyo loolanka ka dhexeeya Musharraxiinta mansabka M/weynekuxigeenka ee reer awdal ku kala qaybsanyihiin , isla markaana kala qaybin karta xisbigaasi Mucaaradka ah ayna hubaal tahay inay tahay fursadda kama dambaysta ah ee xisbulxaakimka kulmiye ka dhursugayo maalmaha soo socda ama shirweynaha kaddib.
Maxamed cumar sheekh hayna

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments