Xisbiga WADDANI Oo Cagta Saaray Qalalaase Siyaasadeed

Dadweynaha reer Soomaaliland ayaa in muddo ah hadal hayey natiijada shirweyn ihii xisbulxaakimka Kulmiye ee lagusoo xulay Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo musharraxa mansabka M/weynaha ee xisbigaasi wakhtiga la gaadho doorashooyinka madaxtooyada sannadka dambe .Sidoo kale Musharraxa mansabka M/weynekuxigeenka loogu doortay Cabdiraxmnaan Saylici.
Shiwerweynihii xisbiga KULMIYE ayaa sidooa kale la ogaa sidii ay natiijooyinkiisii uga boodeen siyaasiyiin iyo masuulyiin miisaan ku lahaa dawladda Siilaanyo iyo xisbulxaakimkaba ,kuwaasoo aakhirataankii ku biiraya xisbiga Waddani ee haatan cagta saaray jid an la ogeyn meel inuu u horseedi doono guul ama guuldarro ugasoo hoyata doorashadaasi jidkaasoo u xisbiga mucaaradka ah ee Waddani samaystay intii lagau jiray shirweynaha muranka badani ka taaganyahay ee musharraxnimada loogu doortay Guddoomiye Cirro ,kuxigeenkeenkiisana lagu sheegay inuu yahay maxamed Cali ,waxanad mooddaa in shirweynahan xisbiga Waddani lagu illoobay waxyaalihii ka dhacay shirweynihii xisbiga kulmiye , taasoo aad moodo inuu cadaalada uga dhawaa qaabka loo maareeyay shirwaynaha wadani.
Saddex maalmood oo kasoo waareegtay dham maadkii shirweynahaasi iyo natiijooyinkii kasoo baxay ayaa maanta cid kastoo reer soomaaliland la socotaa qaylada iyo buuqa xisbigaasi ka dhaxlay shirweynihiisii kaasoo musharraxii mansabka M/weynekuxigeenka kanasoo wada jeeda G/awdal la iskumaandhaafsanyahay.
Sikdoo kale ayaa lala socdaa in shirweynahani anu xisbigaasi waxba u tarin balse uu hoos uga dhigay halkii uu taagnaa laba wiig ka hor oo ay xisboigaasi ku biireen siyaasiyiintii iyo masuulyiintii ugu awoodda badnaa dalkan sannad k,u dhawaad ka hor.
Haddaba iyadoo ay isasoo tarayaan eedeymaha loo jeedinayo musharraxa M/weynaha xiisbigaasi iyo caddalad darada laga sheeganayo qaabkii loo maamulay shirweynaha xisbigaasi ayaa haatan wax muuqata in maalinba maalinta ka dambaysa u xisbigaasi la tacaalayo sidii uu u aamusiin lahaa qaylada kasoo baxaysa siyaasiyiintii,taageerayaashii iyo masuulyiintii xisbigaasi ee musharraxnimadamansabkaM/weynekuxigeenka la doonayey Guddoomiyekuxigeenka Cirro axmed Muumin seed ,kaasoo haatan noqday mawduuca ama shakhsiyasadeed ee ay ku loolamayaan labada xisbi Qaran waa KuLMIYE iyo WADDANI, kaasoo laga yaabo inuu dhaawac siyaasadeed gaadhsiiyo xisbiga Waddani ,isagoo durba ku dhawaaqay inuu yahay guddoomiyaha garabka toosinta iyo caddaladda xisbigaasi .
Ugu Ddambayntiina marka la eego wakhtiga doorashooyinka ka hadhay oo isguraya ,iyo saamaynta axmed Muumin seed ku yeeshay taageerada xisbigaasi ,ayaa dhinaca kale waxa haatan la dareemi karaa qalalaasaha siyaasadeed ee xisbigaasi lugta la galay iyo sida uu iskaga daafici doono eedaha loo haysto ee ku saabsan tirada la laba jibbaray ee golihiisa dhexe wakhtigii shirweynaha ,hadii uu arrimahaasi si adag iskaga daafici waayana u dhex fadhiisan mawjado siyaasadeed oo ka dhan ah maalin kastana sii daciifisa taageeradiisa siyaasadeed,waana wakhti hore in la saadaaliyo xaddiga uu yeelan doono qalalaasaha siyaasadeed ee galay xisbgii ugu weynaa mucaaradka dalka .
maxamed cumar sheekh

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments