Dalkan Somaliland Uma Baahna Madaxwayne iyo M/kuxigeen Qurbo-joog Ah:FALLO

Soomaaliland waa dal iyo dad jiritaankooda.qarannimadooda , amnigooda iyo hogaankooduba kasoo unkamay gudaha dalka laganasoao dhisay gobolada dalka laga bilaabo Burco 1991kii oo lagu go’aansaday goonisutaagga soomaaliland ilaa Boorama oo dawladnimadiisii1993kii laga aasaasay ,mana jirin wax talo ah looga keenay ama loogasoo jeediyey daqlalka debedda ,ama qurbajooggu ula yimaaddeen iyadoo dhinaca kalena Qurabjoogga soomaaliland isagu badi dadweynaha dalkan ka badbaadiyey dhibaatooyin dhaqaale iyo mid nololeedba ,xooogooda iyo xoolahoodana soo gelinayey qoysaskooda , qaraabadooda iyop siyaasiyiintoodaba ilaa inta ay samaysanayeen nidaam u gaar ah oo ka madax bannaan aafooyinka dagaalka iyo kuwa siyaasadeed ee maanta haysta Soomaalida inteeda kale .
Sidoo kale reer Soomaaliland gudo iyo debedba waxay ka sinnaayeen taageerada qarannimada dalka iyagoo cid kasta oo kasoo horjeeda tusayey in gooiisutaagoodu dhab ka yahay sidaa darteedna cid kastoo kasoo horjeedday qarannimada dalka marka lagu daro siyaasiyiintii dalka u dhalatay lagaga xoog roonaaday arrintaasi.
dhawr iyo labaatan sano soomaaliland xor ahayd ,dawladnimo iyo doorashooyin badanna lasoo maray ayaa haatan la gaadhay wakhti loolan siyaasadeed u bilowday muwaadiniintii dalka u dhalatay ee gudaha ku nooleyd ilaa aasaaskii Soomaaliland iyo muwaadiniinta dalka u dhalatay ee debedaha uga cararay Siyaad Barre ,dagaaladii sokeeye ,iyo arrimo dhaqaaleba .
Lagasoo bilaabo dawladii Marxuum C/raxmaan Tuur ,ilaa tii Daahir Rayaale waxa dalkan xukumayey siyaasiyiintii usoo halgantay dawladnimadiisa ee 1993kii bilowday , iyo kuwii ka qayb qaatay xoryntiisii ii ka hor 1991kii ,mana jirin M/weyne iyo M/weynekuxigeen qurbajoog ah oo wakhtigaa dalka soo maray ,mana jirin golayaal qurbajoog u badnaa ilaa 2010kii wakhtigaasoo u xukunka dalka la wareegay madaxweynihii u horreeyey ee qurbajooggu xooggooda soo saaraan ee KuLmiye balse ma jiro M/weynekuxigeen qurbajoog ah oo dawladda kulmiye debedda ka keenay ,balse u yahay M /weynekuxigeen dalka ka warhayay ilaa aasaaskii Soomaaliland kanasoo jeeda G/awdal.
Maanta ooM/weyne Siilaanyo iyo dawladiisiiba dhammaysteen waxna ku darsadeen wakhtigii loo cayimay inay hayaan hogaanka dalka , isla msrkaana u dalka ka bilowday tartan dhinaca siyaasadda iyo awoodda dalka ah oo la doonayo in xisbuxaakimka wakhtigan lagula tartamo hogaaminta dalka ayaad mar kale mooddaa in qurbajoogii dalku xadhkaha soo goosteen si ay muwaadiiniinta gudaha gebi ahaanba ugala wareegaan hogaaminta dalka ,taasoo maanta gaadhay in xisbiyada qaarkood durba soo sharraxaan madaxweyne iyo madaxweynekuxigeen qurbajoog ah oo an qaarkood weligoodba intii dadweynaha dalku u halgamyeen dimuqraadiyadda iyo dawladnimada an dalka cag soo saarin ,maanta oo reer soomaaliladnka guduhu wax walba isku dubba dhacsadeenna looga taag laayahay muwaadiniintii ,siyaasiyiintii,iyo aqoonyahanadii qurbjoogga dalka taasoo an loo baahnayn ,loogana fadhiyo in xisbiyada siyaasaddu isku miisaamaan muwaadiniinta dalka iyo kuwa debedda ,xukunkana an gacanta loo gelin siyaasiyiin an kaba warhaynin ama anay qaarkood kala garanayn sida loogu kala noolyahay gobolada dalka iyo taariikhdii uu soo maray intii la iska xoreeyey soomaaliya .
Ugui damb dambayntiina soomaaliland loogama baahna hogaan iypo golayaal qubajoog ah ,waana dulmi iyo awood sheegasho lagu muquuninayo muwaadiinta gudaha ee dalka halkaa soo gaadhsiiyey iyagoon hadh iyo habeenba ka seexan maalin kasta wixii soo marayey,loomana in hogaanka dalka ,M/weyneha iyo kuxigeenkasaba, lagu abaalmariyo kuwii shalay Muqdisho , Yurub maraykanba ka mudaaharaadi jiray dawladnimada Soomaaliland,balse lagu abaalmariyo in la saamaxo lanasoo dhaweeyo.
Maxamed Cumar sheekh (hayna)

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments