Maxay U Taagan Yihiin Magaca Kulmiye, Halhayska Xisbiga, Astaanta & Calanka Kulmiye ( Aqoonyahan Abdishakur Gande) ============================== UJEEDADA MAGACA Kulmiye, HALHAYSKA Xisbiga Midnimda Iyo Horumarka, MICNAHA ASTAANTA & CALANKA Xusbiga Kulm…

Run ahaantii, markasta waa muhiim magac bixintu inay micno yeelato waayo mid koowaad ee meel marisa ama muujisa manfaca, miisaanka & muhiimada shay leeyahay….. xisbiyada qaranku waa qayb ka mid ah asadka/hantida qaranku leeyahay kuwaaso kala leh barnaamij siyaasadeedyo kala duwan balse lagama maarmaan tahay in uu waafaqsanaado dastuurka qaranka ee ku dhisan mabda’a umada maandaamo ay yihiin kuwo u diyaar ah matalka dalka iyo maamulka wadanka. Sidadarteed, waa muhiim in (magaca, halhayska/halku-dhaga iyo astaanta/calanka xisbi) ahaado mid waafaqsan mabda’a qaranka ee dastuurku ku dhisan yahay, waxaana loo baahan yahay oo Xisbi kaste u dan ah in magaciisa, astaantiisa iyo halhayskiisa ay ka muuqato himiladiisa hogaamineed.

kulmiye waa xisbiga dalka manfacii ugu balaadhnaa bulshadu ka dhacashay halkii ugu saraysay midnimada umada iyo horumarka na ku hogaamiyay. Arimahaaso dhami waa kuwa waafaqsan ama xisbiga kulmiye hore ugu muujiyay magaciisa, astaantiisa iyo halhayskiisa.

UJEEDADA MAGACA XISBIGA KULMIYE, sida ka muuqata guulaha cukuumada xisbiga kulmiye ee ah iskukeenka bulshooyin ree somalilan ah mudooyin dheer kala irdhaysnaa ayaa ujeedada xisbiga ahayd midii loo aas’aasay laaguna magaca daray.

HALHAYSKA XISBIGA KULMIYE  MIDNIMO IYO HORUMAR, waa halhayska  xisbiga kulmiye kaaso koobsanaya barnaamijka xisbiga kulmiye ee kudhisan waxqabadka mudo xileedkiisa tagay, taagan ama tiigsigiisa danbe yahay… midnimada iyo horumarku na waa mid laga bartay xisbiga kulmiye.

MICNAHA ASTAANTA XISBIGA KULMIYE, Gacmo isku dhagan oo midnimo & isku duubni muujinaya.

CALANKA XISBIGA KULMIYE AKHTAR IYO HURUUD, (International meaning collars) micnaha midabyada u taagan yihiin waa caalami la’isla wada gartay deegaan ahaan iyo dhaqan ahaanba.

AKHTAR-ku waa midab u taagan barqaaqo iyo horumar. FG. Sida aynu wada ogsoonahay xisbiga kulmiye Kulmiye waa xisbiga horumarkii ugu balaadhna somalilan ka yagleelay mudo rubuc qarni ahoo dalku jiray intuu xukuumada ahaana ahayd 6 sano. HURUUD, waa waa qaybta labaad ee akhtarka ku ladhan calanka xisbiga kulmiye.  Midabka HURUUDU waa midabka caalamka micnaha ugu badana loo adeegsado balse ujeesadada koowaad ee loo adeegsadaa ay tahay midnimada, isbarashada iyo isdhexgalka shucuubta.

Gabogabo & gunaanad, xisbiga kulmiye waa kulmiyaha shacabka iyo heshiis qaranimada, astaantiisu na tahay midnimo iyo wadajir ku dhisan wax wada qabsi, kaaso calankiisu u taagan yahay horumar, barwaaqo iyo shacab ku midaysan hirgalinta ama hiigsiga himilada qaranka.

               Abdishakur Gande.
gandeabdishakur@gmail.com
Boorama, Awdal Somaliland. 634200882

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments