MUDADII TOBANKA 12 AHAYD EE GUDOOMIYAHA WADANI HOGAAMINAYAY GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND, HOGAAMINTIISU CAYNKAY AHAYD. QAYBTII SADDEXAAD

Sida aynu ku soo sheegnay qaybtii kowaad iyo qaybtii labaad waxa uu dhigayaa qodobka 74 ee distoorka Jamuuriyada Somaliland, waxa qaybyo qoraal xeer(bills) keeni kara golaha saddex qaybood oo golaha wakiilada laftiisu ku jiro.

Marka laga tago xeerarka ay ahayd in goluhu ansixiyo ee danta umadu ku jirto,waxa kale oo golaha wakiilada ee Gudoomiyaha Wadani hogaamiyaa dayacay ka daba taga iyo hubinta in la fuliyay xeerarkii la ansixiyay,tusaale ahaan xeerka bangiga dhexe oo la ansixiyay dhamaadkii sanadkii 2012,oo si cad u qeexaya awoodaha bangiga dhexe,awoodaha gudida agaasinka baanka,maamulka sariflayaasha,dajinta siyaasadah dhaqaalaha lagu hago sida siyaasada lacagta (Monetary policy). Hadii la fulin lahaa sharcigaasi waxa fududaan lahayd xakamaynta sixir bararka iyo isbadbadalka sarifka lacagaha qalaad.

Marka si guud loo eego,xeerarka fara ku tiriska ah ee golaha ka gudbay, mid lagagama dhaqmin,taasi oo dhalinaysa,su’aasha ah,maxaa marka hore wakhti,tamar iyo maal loogu kharashgaraynayaa samaynta xeerarka hadii fulintiisii aanu goluhu ka daba tagaynin.

Xaga maamulka hantida golaha wakiilada,waxa uu gudoomiyaha golaha wakiiladu ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani ku guuldaraystay in loo sameeyo golaha wakiilada xafiiska hantidhawrka gudaha (Internal audit department),taasi oo ah hab dhaqan caalami ah (International standard practice). Mudo imika dhawr sanno laga joogo ayay xildhibaanada golaha wakiiladu Mudane,Cirro waydiiyeen sida uu u maamulo miisaaniyada golaha,ka dib dood dheer oo albaabada hoosta la iskaga xidhay,waxa lagu

heshiiyay in ay xildhibaanadu mushaarka isku kordhiyaan,walibana isku qoraan sanad lacagtii marka uu wakhtigu ka dhamaado,taasi oo micnaheegu yahay qaataye qaado.

Xaga hubinta iyo ilaalinta isku dheelitirka dawladnimada (Check and balance),golaha wakiilada ee Mudane Cabdiraxman Cirro hogaamiyaa waxa uu ku guuldaraystay in uu ka hor istaago wixii khalad ah golaha fulinta amba xukuumada,iyadoo ay in badan dhacday in wasiir wakhtigaa ka tirsanaa xukuumadu ay sida ay doonaan ugu dhex galgashaan golaha wakiilada,waxa ay rabaana ay ka fushadaan sida xeerarka ay danaha gaarka ay ka lahaayeen oo kale. Waxa la odhan karaa Mudane Cirro,qaabkiisa hogaamineed ayaa sababay in ay isku furmaan sharci dajinta iyo xukuumadu,danahooguna isku dhex milmaan,taasi oo meesha ka saartay is hubintaa iyo isku dheelitirankii. Marka la eegayo caalamiyan wax isdaba marinta,waxa ka mid ah,in laba haayadood amba laba qof oo ay ahayd in ay iyagu is hubiyaan ay wax ku shuraakoobaan ay dantooda u arkaan(collusion),taasi oo ah danbi wayn oo laga galay bulshada uu matalo golaha wakiiladu. Tusaaale ahaan, intaasoo sanad miisaaniyaded ayaa golaha la keenay,wax wayn oo goluhu ka badalay ma jirin,amba wax uu ku soo daray,balse waxa intaba lagu go’aan qaadanayay ana maxaa iigu jira. Ta kale xisaab xidhada golaha la keeno,mid qudha oo si sax ah loo hubiyay ma jirin,balse sidii mooshin ayaa duuduub lagu ansixin jiray,waayo goluhu wakhti u dan guud ku lumiyo ooma soo hadhin markii golihii wakiilada hogaankiisii uu Xisbi yeeshay,hawshii golahana u kaga mashquulay xisbiga arrimihiisa.

In badan ayaad maqashaan Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa safar u baxay,waxa ay ahayd in uu safarkiisu inta badan shaqada baarlamaanka la xidhiidho,balse intii uu xisbiga gudoomiyaha ka noqday,waxa dhacday in ay isku milmaan labadii shaqo,ayna xoog badato ta xisbigu.

WAA MAHADSANTIHIIN

WQ:MAXAMED DAHIR AXMED

,HARGEISA,SOMALILAND

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments