Qaadhaankii Abaaraha Ee Xisbiga Wadani kasoo Qaadeen Beesha Caalamka Halkeebuu Maray? ( Siyaasi Abdishakur Gande )

Waa wax iswaydiin mudan qaadhaankii abaaraha ee xisbiga wadani sheegeen inay kasoo qaadeen wadamo shisheeye oo gurmadkoodi ay u wadeen dadyowga abaaruhu saameeyeen wadamadaaso usoo wakiishay xisbiga wadani ee dusduska & dabomarka qaranka ku caanka baxay…. xisbigu dabomarkii ma wuxuu ku darsaday dibin-daaminta danyarta iyo dadka abaaruhu saameeyeen?
==================================

Wadamo shisheeye, shirkadaha dalka, hay’ado caalamiya, ganacsatada dalka, shacabka & shakhsiyad uu ka midyahy cali khaliif galaydh karaamkoogi ay kaga qayb qaateen abaaraha dalka kajira waxay qaadhaanka ku hagaajeen xukuumada waayo wadajir baa masiibo qaran lagaga gudbaa… hadaba xisbiga wadani ee hogaankiisa & gudoomiye ciro mayeedhaanka cagadaha afka ka xidhan ku qulaaminayaan maxay qaadhaanka ugu shubi waayeen sanduuqa gudiga abaaraha qaranka iyagoo shacabka dalka, qurbajooga, hay’adaha iyo dawlado kale kagasoo qaaday deeqo dawlada loo waday?

Xisbiga Wadani, waxay ku doodayaan in doorashada la baajiyo abaaraha jira dartood misana waxay musuqmaasuqayaan deeqihii ay wakiilka ka ahaayeen. Iyagoo dadkii & duunyadii abaaruhu saameeyeen hagardaaminaya. Oo la garanayn intaa ay yaacayaan meel ay gargaar gurmad tareen.

Xisbiga Wadani, dusduska & dabomarka qaranka waa lagu yaqaane ma mucaaridnimaday xisbi xaakimka ayaa u noqotay mucaarid dawlada somalilan? Talaabooyinka caynkaa ahi waa dawlad diid xukunkeedu yahay qaran-dumis.

Xisbiga Wadani, isagoo waxaaso khiyaano qaran ah uu sameeyay, dadyawgii abaaruhu saameeyeena uu hagardaamo & huq uu ku hodayo deeqihii hogaanka xisbiga wadani ay soo qaadeen ee qaranku xaqa ulahaa ee ahayd inay xukuumadu gaadhsiiso goobaha ay qiimaynta abaaraha ka samaysay ay ree wadani musuqmaasuqeen ayay hadana ku andacoonayaan doorashada dib haloo dhigo iyagoo waxqorshe wanaagsanoo gargaar & gurmada u hayn dadka & duunyada abaaruhu saameeyeen ee xaalufka & dhimashada kusii durkaya.

ALLAH ABAARAHA HA INAGASOO JABIYO AMIIN AMIIN.

 

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments