MAXAA REER AWDAL LOOGU JOOJIN WAAYEY DIIWANGELINTII KU BEEGNAYD ABAARIHII GOBOLKA KA DHACAY

Guud ahaanba shacbiga ,dawladda ,xisbiyada siyaasadda iyo ururada madaxa bannaan ee bulshada dalka ayaa inta badan ka hadla sida guud ahaanba dadweynaha gobolada dalka ku kala nool ugu wada noolaan lahaayeen caddalad ,sinaan ,iyo midnimo isla markaana wada qayabsadaan duruufaha nololeed ,amniga iyo horumarka .Sidoo kale ayaa dadweynaha iyo dawladda Soomaaliland isku guubaabiyaan in guud ahaanba shacbiga dalku iska kaashadaan iskagana gurmadaan abaaraha ,daadaka ,ammandarada iyo aafooyinka kale ee haleela qayb ka mid ah dadweynaha dalka ee ku kala nool daafaha dalka.

Waxa marag madoodnta ah in shacbiga iyo dawladda dalku fuliyeen arrimo badan oo laga dareemi karo nabad ku wada noolsho iyo walaalnimada shacbiga dalka ,hase yeeshee marka ay yimaaddaan arrimo siyaasadeed oo saamyn ku leh shacbiga dalka iyo dawladoodadaba ,ayaa cid kastaa ogtahay sida loogu kala leexdo isla markaana beelaha aqlabiyadda dalka ku lihi ugu mitidaan inay tooda uun noqoto waxna an laga weydiinin beelaha kale ee dalka ku wada nool siyaasiyiintooda iyo waxgaradkoodaba .

Sida la ogyahay waxa qaybo badan oo ka mid ah dalka ka joira abaaro ba’an oo u barbar socdo gurmad xoog lihi.Waxa kale oo dalka ka jira xiisad siyaasadeed oo xisbiyada ku loolamaya talada dalku kaga jawaabeen dareenkooda ku saabsan abaaraha dhacay,lana doonayom in lagu baajiyo wakhtigii loo qabtay inay dhacaan doorashooyinka madaxtooyada kuna beegan bisha saddexaad ee sannadkan .Talo wadajir ah oo gole la magacbaxay abwaaniinta soomaaliland musharraxiinta xisbiyada siyaasaddaba iyo dawladdaba ku baraarujiyeen in damiirka waddaninimo shaqeeyo xaaladda jirtana an qaban doorashooyin sidaa darteedna dib loo dhigo .Inkasta oo anay weli xisbiyada iyo dawladduba ku dhawaaqin wahtiga la qaban doono doorashooyinkaasi hase yeeshee isfahamka caynkaas ah ee wadaninimadu ku jirto ayaa loo baahnaa inay muujiyaan wakhtigii gobolka awdal ay ka jireen abaaraha ba’ani ,wakhtigaasoo ahaa sannadkii hore ayaa cid kastaa ogeyd sidii dadweynaha abaaraysan ee gobolka loogu khasbay inay isdiiwaangeliyaan .Salaadiin ,cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka ayaa la ogaa baaqyadii ,codsiyadii iyo talooyinkii ay xukuumadda iyo xisbiyadaba kaga dalbanayeen in diiwaangelintaa dib loogu dhigo in xoolo dhaqatadii iyo dadkii abaaruhu ku dhaceeni kusoo noqonayeen degaanadii ay ka hayaameen .Badi dadweynaha dalka iyo dawladda oo wakhtigaasi degaanada abaaruhu ka dhaceen gurmad xoog leh ka galay ,xoolo iyo dad badannna ka badbaadiyeen inay dhamaadaan ,ayaa dhinaca kale loo baahnaa in xisbiyada siyaasadda iyo dawladduba dhegeystaan codsiyada hogaamiyedhaqameedyadii iyo siyaasiyiintii gobolku ku doonayeen in diiwaangelintaasi dib loogu dhigi inta dhulka qaboobayo.

Si kastaba ha ahaatee dhegonuglaanta loo muujiyey talooyinka wadaninimada leh ee xisbiyada siyaasadda ,siiba kuwa mucaaradku , kasoo jjeediyeen abaaraha ,kuna guuleysteen in dib loogu dhigo doorashooyinkii la filayey bisha saddexaad ayaa loo baahnaa inay muujiyaan wakhtigii abaaruhu ka dhaceen gobolka ,khasabkana lagaga dhigay dadweynuhu inay isdiiwaangeliyaan sidaana lagu gaadhay muraadkii ay lahaayeen xisbiyadaasi ee ay dawladda iyo komishanka doorashooyinkaba ku khasbayeen inay bilaabaan diiwaangelinta ,waxanad mooddaa in dareenada iyo damiirka ay maanta

dawladda iyo komishanka kaga dalbanayaan in doorashooyinka dib loogu dhigo abaaraha ay tahay mid muujinaysa sida siyaasiyiinta doonaysa inay dalka xukumaan ee mucaaradka ahi u kala jecelyihiin shacbiga ku kala nool gobolada dalka ee ku itiday inay diiwaangelintu ka bilaabato gobolka awdal dibna an loogu dhigi karin abaarihii dhacay marka laga reebo xisbulxaaimka kulmiye oo isagu mar walba taagan in doorashadu wakhtigeedii dhacdo balse haatan u muuqda mid arrintaa lagaga xoog roonaaday , xisbiyada mucaaradka ku raacaya talada dibudhgista doorashooyinka madaxtooyada sax iyo qalad midkay doontaba ha ahaatee.

Maxamed cumar sheekh(hayna)

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments