SPORTS:DAAWO Marco Verratti Oo Lasiiyey Jaalihii Ugu Layaabka Badnaa Ka Dib Markii Uu Pass La Yaableh Madaxa Ku Dhiibay

LUGHAYASPORTS:Xidiga khadka dhexe ee kooxda Kubada Cagta PSG Marco Verratti ayaa lasiiyey Jaalihii ugu layaabka badnaa ee Xili Cayaareedkaan kulankii ay Kooxdiisu 2-0 kaga badiyeen Sabtigii Kooxda Nantes.

Marco Verratti ayaa Calaamada Jaalaha ag loo Taagay ka dib markii uu ku bad Madax ugu Celiyey Goolhayah kooxdiisa Kevin Trapp Waxaana Markii uu soo jeestey oo uu doonayey in Kubada lasoo laado uu Garsoorihii Cayaartu ka dhawaajiyey Seeriga isaga oo u taagay Caalamada Jaalaha ah.

Cayaartoyda Naadiga PSG ayaa Rabshad ka kaciyey Jaalaha lasiiyey Cayaaryahankooda Marco Verratti kadib markii ay layaabeen Go aanka Garsoorahu qaatay.

Waxaa Jir sharci FIFA u yaala oo ah qodobka 12 aad in Kubad bulisyoon ah oo dhigay Koox aan Cayaaryahan dib ula dheeli karayn Gool hayaha isaga oo Kubada ugu baasaya Madax ama Jilib si uu Gacanta ugu qabsado shariciga waxa uu dhigayaa in loo baasi karo laakiin aan Madax loogu dhiibi karayn sidaa daraadeed ayaa Jaalaha loosiiyey Marco Verratti.


You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments