SPORTS:Cameroon Oo Markii SHANAAD Ku Guulaysatay Koobka Qaramada Afrika Iyagoo Aarsaday Xulka Qaranka Masar Xili Egypt Ay Iska Lumisay Gool Ay Ku Hormartay

LUGHAYASPORTS-Xulka qaranka Cameroon ayaa ku guulaystay koobka qarmada Afrika ee AFCON 2017 kadib markii ay guul soo laabasho cajiib ah ka gaadheen xulka qaranka Masar ee ay cadhada wayn u qabeen waxayna Masar iska lumisay gool ay qaybtii h–e ee kulankan ay hogaanka ciyaarta ku haysay. Gool uu Mohamed Elneny dhaliyay qaybtii h–e ee kulankan ayuu kansalay Nicolas N’Koulou laakiin daqiiqadii 88 aad waxaa goolka guusha Cameroon u saxiixay Vincent Paté Aboubakar kaas oo dhaliyay gool layaableh.

Cameroon oo koobka qaramada Afrika laba jeer u soo wayday Masar ayaa ugu danbayn dhinaca dhulka u dhigtay xulka qaranka Masar oo muddo todoba sanadood ah aan ka soo qayb galin tartanka qaramada Afrika balse waxay soo gaadheen finalka ay koobka ay rekoodhka todobada jeer ah ku haystaan. Cameroon ayaa markii shanaad koobkan ku guulaysatay.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKII FINALKA AFCON 2017:

Egypt: El-Hadary; Elmohamady, Gabr, Hegazy, Fathi; Elneny, Hamed; Salah, Said, M Hassan; Warda

Cameroon: Ondoa; Fai, Teikeu, Ngadeu-Ngadjui, Oyongo; Siani, Djoum; Bassogog, Zoua, Moukandjo; Ndip Tambe

Saacado ka hor intii aanu kulankani bilaami jamaahiirta labada xul qaran ayaa garoonka ay ciyaartani ka dhacaysay lagu qabtay xafladii xidhitaanka ee koobka qaramada Afrika oo muddo bil ah ka soo socday dalka Gabon, waxaana hiray bandhigyo qurux badan oo garoonka lagu soo bandhigay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabtay qaab xamaasad badan isla markaana ayna labada xul qaran ee Masar iyo Cameroon wax difaac ah isku galin waxayna markiiba bilaabeen in ay raadiyaan goolka furitaanka balse fursadaha ayaa noqday kuwo ay adag tahay in si sahlan lagu abuuri karo.

DAQIIQADII 21 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Xulka qaranka Masar ayaa helay goolkooda furitaanka ay Cameroon kaga naxsadeen kadib markii uu Mohamed  Elneny xagal cidhiidhi ah darbo xoogan ka tuuray isla markaana u si fiican ugaraacay goolhayaha Cameroon ee Ondoa oo intii uu tartankani soo socday soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, wuxuuna Elneny dhamaystiray kubbada uu markii horeba soo bilaabay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay uu xulka qaranka Masar hogaanka ciyaarta kula wareegay.

DAQIIQADII 30 AAD Dhibaatada garoonka ee xulka qaranka Cameroon ayaa sii socotay wuxuuna dhaawac muruqa ahi soo gaadhay Robert Ndip Tambe kaas oo awoodi waayay awoodi waayay  in uu ugu yaraan dhamaysto 15 ka daqiiqo ee qaybtii h–e ee kulankan ka hadhsanaa waxaana lagu soo badalay Vincent Paté Aboubakar.

Cameroon ayaa awoodi wayday in ay difaaca Masar dhaafto oo ay la timaado goolka barbaraha iyada oo dhinac kale Masar ay raadinaysay goolkeeda labaad si ay ciyaarta maamulkeeda u adkaysan karto laakiin qaybtii h–e ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1:0 uu xulka qaranka Masar hogaanka ciyaarta ku hayay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta xulka qaranka Cameroon ayaa soo laabtay isaga oo dhaarsan isla markaana dardaraankii ugu danbeeyay soo qaatay waxayna doonayeen in ay ka baaqsadaan in guuldaradii saddexaad ay finalka koobka qaramada Afrika kaga soo gaadho xulka qaranka Masar.

DAQIIQADII 59 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Xulka qaranka Cameroon ayaa ugu danbayn helay goolka ay ciyaarta ugu soolaabteen kadib markii uu gool madax gantaal ah u saxiixay Nicolas N’Koulou kaas oo caawin ka helay Benjamin Moukandjo Bilé waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Goolkan ayaa rajo wayn  galiyay xulka qaranka Cameroon waxayna bilaabeen in ay naftooda rumaystaan waxayna noqdeen xulka goolka labaad laga filan karo iyada oo Masar dardartii ay soo bandhigtay qaybtii h–e ee ciyaartani ay hoos u dhacday.

DAQIIQADII 88 AAD GOOOOOOOOOOL! Alla muxuu gool ahaa! Xulka qaranka Cameroon ayaa dhinaca ka urogay natiijadii hogaanka looga hayay waqtigii nasashada waxaana gool layaableh isla markaana wadnaha gooyay malaayiinta ree Masar iyo intii kale ee taageeraysayba shabaqa ku dhaqaajiyay Vincent Paté Aboubakar kaas oo qaab layaableh u kala dhantaalay difaaca xulka qaranka Masar  iyada oo goolhaye El-Hadary aanu awoodin inuu kubbada ka joojiyo shabaqa xulka qarankiisa waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Cameroon markeeda hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Goolka Aboubakar ayaa xaqiiqdii noqon kara goolkii ugu quruxda badnaa intii uu tartankani socday wuxuuna dhaliyay waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaarta iyad aoo xulka qaranka Masar uu awoodi waayay in uu wax gool ah la yimaado daqiiqadihii koobnaa ee ciyaarta ka  hadhsanaa waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay ugu danbayn Cameroon kaga aarsatay xulka qaranka Masar oo ay laba final oo h–e guuldaro kala soo kulmeen.

 

Laacib.

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments