Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa.(Saldhiga Berbera) Qalinkii: Prof.Cumar Cali Cabdilaahi ( Cumar dheere)

“Soomalidu,been way sheegtaa, been(na) se ma(way) maahmaado(aa)”  Hal booli ahi, nirig xalaal ah way dhashaa  Hal xalaal ahi, nirig booli ah way dhashaa Ilaahayoow noo danbi dhaaf. Oo haddii aad beensheegga taqaan, maxaa diiday in aad ku maahmaado?. “Amma afeef hore yeelo, amma adkaysi danbe” Ma maqasheen “Wad iyo Habaar kulan”?.. “Islaamoow run u dheh, islaamowna run uga qaado”.

Guddoomiye cirro markii uu ka hadlay xafladdii maalinta dhallinyarada waakii yidhi hawsha saldhiggu waa “Bidaari sibiq ayay kugu gashaa” oo ah cinwaanka qormadan. Qormadan waxa aan soo bilaabay maalintii coddayntu dhacday cinwaankanna waan siiyay. Waa isla-doonasho Ilaah. Odayga hadalkiisii kamaan soo minguurin cinwaanka qormada Inkasta oo maahmaahda Somaalidu, sida xeerarka sayniska, aanay isbaddalin, hadana dhacdooyinka aynu u wada joogno ayaa mararka qaar keeni kara in indha-indhaynta iyo fiirsiga isbadalka bulsho ama dhaqan-dhaqaale uu keeni karo in wax la iska waydiiyo sida maahmaaha qaar ula jaan qaadi karaan joogtada inkasta oo ay yihiin hadhaadiga dhaxalkii awawyaasheen, oo dhab ahaan ku noolaa duruufo iyo deegaan ka duwan kan maanta. Tusaale waxa u ah “ Habar tukatay ayay ka tahay” iyo qaar kale oo badan. Tan maanta taagan ayaa ah “ Hal booli ahi, nirig xalaal ah ma dhasho”.

Adduunka oo dhan ayaa bogaadiyay doorashadii barlamaanka ee Somaliland ee u danbaysay ee 2005. Dhanka kale or iyo qaylo iyo dhaleecayn badan ayaa loo soo jeediyay hannaankii doorashada baarlamaanka ee Soomaaliya oo lagu eedeeayay, musuq, laaluush, wax-is-dabamarin iyo wegero la mid ah.

Dhanka kale baarlamaanka Soomaaliya oo la odhan karo waxa uu ahaa “hal booli ah” ayaa hadana, wax qarsoon Allaa oge, waxa ay doorteen madaxwayne ilaa maanta dadku aad u soo dhaweeyeen. Markaan u fiirsaday waxay iila muuqatay in “Hashii booliga ahayd, nirig xalaal ah dhashay”. Maalmo kadib iyada oo wali hadal-haynta iyo falanqaynta doorashadaasi taagantahay, ayaa hadana waxa aynu ku war hellay xildhibaanno, siyaasiyiiin iyo madax Somaliland ah oo ina leh “ ka kacaay dalkii waa la xaraashaye” oo ka hadlaya “Saldhig Ciidan” oo dawladda Imaaraadka laga siinayo Berbera. Run ahaantii arrintaasi dadka way dareen galisay, inbadan 2 oo ka mid ahna waxa u cuntami wayday in duruufaha siyaasadeed ee gayigan aan ku noolahay, dagaalada Yemen iyo aqoonsi la’aanta Soomaaliland, iyada oo ay jiraan la galo heshiis muddo dheer ah. Waxa hadaba la yaab leh in aan hadana ku war hellay in aqlabiyadda labada gole ay ansixiyeen codsi uu madaxwaynuhu u soo gudbiyay oo ahaa in la meel mariyo kiraynta “Saldhigga Ciidan” “Meel hoo u baahan, hadal wax kama taro” iyo “Hunguri, wadkii ma arko” Yaab!. ..Waaba sheeko cusub! Oo sawtii ay nalahaayeen “halla diido”. Siday wax u dhaceen?.

Hadana maahmaaho dhawr ah ayaa soo baraarugay oo ah: “Farahii dufanle, ayaa wax duuga”, “farahii dufanle ayay faataxo ka kacdaa”. “Af wax cunay xishoo”. “Nin wayn iyo umuliso midna sida ay wax u ogyihiin wax uma sheegaan”. Nin waalan, tolkii ayaa u fayow.” “Qawda maqashii, waxna ha u qaban.” “Codkuna waa meel (calooshuna) ama calaacalkuna waa meel”. Intii aan ka arkay telefishanka, dhawr xildhibaan iyo guddoomiyahii golaha wakiilada ayaa, wax ka run ahba, hawl-wadareedkii golaha baarlamaanku habeen ka hor loo soo jilciyay doonayay in ay is-hortaagaan . Tii ku dhacday waatii la arkayay, inkasta oo gacanka-hadalka ka dhaca barlamaanka Koonfur Afrika am kan ka dhaca Jaban aanu waxba meella kaga dhacayn, hadana odayaal lasii tukhaantukhinayo waa loo jeeday.

Waxa aan is idhi waar malaha tiradan yar ee diidmada idin tustay, markii dheemaalka la ruxayay ayay wali xeradoodii ku jireen. Mise si ciyaarta loo macaaneeyo oo aan “ intaba iyo eber” loogu kala badin, ayaa dhawr xubnood lagu yidhi “ muujiya diimuqraadiyad oo u dhaqma sidii wax diiddan”. Mise ninyahaw heestii Cabdi Tahliil ee wadanigii hore ahayd aya loo qaaday oo way ka dhago adkaadeen : Dawlad iyo shicib, dumar iyo rag Somaali way iskuduubantoo, dan loo dedalaayaa Diidayoow, shaqada loo dareeray daawanayoow Waa dalkaagee doqonyahaw, waa dadkagee dabbaalyahaw Waa digniinee, waa digniine, waa digniine is daryeelooo dadka soo raac “Hadal waa margi” Intaasi markay dhacday waatii loo wada joogay waxa hadal iyo hugun baxayay. Ma Faysalbaa, ma Cirraa, ma Cali Guraybaa,ma dooddii lagu hoobtay ee Jimcahaa, ma xildhibaan Saciidbaa. Baroortu orgiga ka wayne, balaayada yaa aloosay!. Waatii aayadaha Qur’aanka la 3 isku daliishaday, ee “ka dar oo dibi dhal” ee qaar ku caga jugleeyeen in ay Ya’juuj u yeedhanayaan si ay tirada yar e is-xanbaarka lagu keenay cagta u mariyaan. Ee Midna yidhi anigu “ Codaynbaad sheegaysaane, ciddii ka hadasha jeelkaan u taxaabi lahaa”. Maxaa isdaad raacin ah. Nin saddexaad oo inuu “Canbe” yahay lagu sheegaynaa aan ilaa hadda garan la’ahay “maxaa kaa lilaahiyaa, caashaqa ha lalinee”. Tan u daran een la yaabay qofkalana ku ye “ guddi ayaan u saaraynaa arrintaasi siday u dhacday baadha”.

Waa afkii UNta. Hadday run tahay waxa uu odhan lahaa “ xubanah xisbiga ee u codeeyay kiraynta saldhigga tallaabo anshaxmarin ah ayaa laga qaadayaa”….Dabbaaldaggii aasaaska ciiddanka jaarkana qolaa waxa dhacaya kaga soo yara nasatay oo gaardiska iyo dhoollatuska 100ka milyan ee biyaha dhanaan u harraadan soo barakaysay….Malaha gidaarkii Shiinaha “China wall” ama “Trump Wall” ayaabay noqon in laga fikiro mar haddaa “dhagtii dameerka,waraabe la dhadhansiiyay”. Ilaa maantadanna ninba sida ay la tahay ayuu u hadlayaa… “shinbiriba codkeed ciday”… “Ninba ceesaantii ceel gaysay” “Diir naxaa ma kugu yaal, oo marna ma ii damqanaysaa” “Qayrkii loo xiiryoow,adna soo qoyso” Horta reeraha aan ahayn beesha “ badhtanka” iyaga guux sidaasa kamaan maqal e, malaha waxay ay la tahay in la xaraashay “jago saaxil ku taal”.

Col iyo war moog. Maanay ku riyoon iyada oo ciidanka laga kireeyay jagadaasi ay gantaallo ku tureen “shiicada” lagu marmarsiyoonayo, oo inta ay soo jawaabeen, sibidhkan yar ee maraakiibta quudkeenna soo waaridda ku xidhato badhtanka kaga dhacay, oo marka uu u yaryahay kala dillaacshay?….. “Ninka waxa soo socda aan garan waxa jooga ma garto”….Haddiiba wax isku qobtola la helo, halkee quud laga helayaa intay qalalayso?…malaha galbeedka garaw ayaa uudka ugu jira, barigana caanahii geela oo la qallajay ayaa liid-madoobayaal ugu cabbaysan oo u tiirsan oo hadhaw biyo laqu qasanayaa?”…. “Kan cadduur dhawdhawduba uma dhacsana” “Fiqi, tolkii kama janno tago” Oo waxan ku waydiiyay iyaguna qoladii la odhan jirtay “aqoon yahan ayaan nahay” tolow iyaguna ma iyagoo wali google-ka waydiinaya “UAE”, “Saldhig Milatari”, “Dheefta laga helo kirada saldhigyada milatariga”, “saamaynta saldhigyada milatariga ee la kirooyo”, “ midawga soofiyeet”, Gaashaan buurta Nato”, Olloga Warso, “ Morgan”, “Cali Mareexan”, “ Donald Trump” “Cali Xaamud”,”Qiimaha codaynt ee saldhigga Imaaraadka”, “Tolow ma loo codan doonaa” ayay ku dul gam’een markaasay tooseen markii codayntu dhammaatay. Mise wali “Desk review” ama “Fadhi ku diri” ayay wali ku maqanyihiin. 4 War malaha buug aynaan gaadhin ayaa lagu qaataa casharradan socda. Mise “idinkala garaynmaynee guulaysta” ayay qaadeen. Markay halkaa marayso sheekadii waxa ka soo baxay laba maahmaahood oo ka soo farcamay dhacdooyinka:

1. Hal booli ahi nirig xalaal ah way dhashaa 2. Hal xalaal ahi nirig booli way dhashaa “Xaajo nimaan ogayn ayaa isha ka rida” Darsi ku saabsan dagaalada Yemen-tana waatii la inoo dhigay oo gabagabadiisu ahayd: “ Waxii dhacayaba dhankaaga qabsoo, afkaaga ka dhawr waxbaa dhacay”. Kuye annagu “ Waxa dhacaya dhexdhexaad kama nihin. Sunni ayaan nahay”.

Taa culamada kaliya ayaa ku dhaaran kartee, horta yaa inna kala guray?. Isha sacabka marsha…malaha marka sawaxanka,orta iyo hugunku go’o, ee uurada, qiiqa iyo bulladka kacay kala dego, karka iyo kaarku baaba’o , ee heshiiska si dhab ah qalinka loogu duugo ee Berbera iyo Wajaale loo kala socdo 3 saacadood, ee xarumaha caafimaadka guri kasta sii jeedkiisa laga dhiso, ee 70% sagaarooyinka la dubto,80% maso-cagalayda la moofaysto, ee shinbiruhu u guuraan xeebaha galbeedka, ee guuxa iyo gariirka diyaaraduhu dadka reer Barbara cayn dhagala ka dhigaan, ee Khaakhaayiraadda Iiran iyo xulafadooda shiicadu dawladdeena dhiig-kar iyo Sonkorow Nooc 2(Type 2) ku wada riddo, ee kalluunku in-dheer inoo maro, ee lacagta imaga lagu kireeyay 10 sano kadib kuwa hadda ku faraxsan dawooyinkooda goyn waydo, ee “bidaari sibiq bay kugu gashaa, iyo “farbaa, tog kula xusha” arrini ku danbayso, malaha markaas ayaan odhan doonaa yaa “ mar noo cesha” sidii jaadqamax qawaday mijintii loo soo baxshay oo ahaydba tii ugu danbaysay oo leh “ mar gacanta ii celi”. Siddi siddidaada mooyee, dhul-u-dhacaaga hubso. “Miskiin ayaa sino la fuulo leh” Marka calaacalku batana, waa dawlad awood leh oo maxkammaddii ay sheegayeen ee Ingriiska ku taallay intay inala tagaan ayay “baryo libaax” arrinkoodu noqon: “ Iigu rid, amma waan kaaga ridan”.

Cid innoo qareenta iyo cid kiiskaba inoo fahamta la waayi. Alla maxaa oohin danbaysa haddaan la miyirsan. “Ruuxii soo joogso laga waayana, soo jiifso aya laga helaa” Maalgashiga Caalamiga ah malaha sidaan u fahannayba maaha…Mooyi! Yaa is waydiinayaba. Qolyahii ilama “Google” ha inoo soo waydiiyaan walalkood. Aniga waxay ila tahay baryihii hore ee qadhaabka iyo ugaadhsiga lagu noolaa ayay hooyaday igu tidhi waxa la odhan jiray “ Kala baahbaaha, bakayle hurdana beerkaa lagaga dhacaaye”…waa farsamo afka qalaadna lagu yidhaa “ economic diversification”

5 Maxay kula tahay? “War la qabaa, xiiso ma laha”, “ Habar iyo habeenkeed”, “ Dhagax taabasho iyo tuujini waa isku mid”, “Dhago laab u daloola iyo dhago laydh u daloola”. “ Hunguri wadkii ma arko” , “ Cashar iyo Cadba waa la yaraystaa”, “ Laba qaydhiin ku soorantaa, bisayl iskuma cawrido” iyo ‘Hunguri wax ka wayn la marshaa wuu dillaacaa”. “Dhuuso laga ballamay ma urto” “Nin gu’ kaa wayni, gu’ baas kaa wayn” aya la odhan jiraye, armaa dawaladda Imaaraadka oo xornimada qaadatay 1971 ay jab inala maagantahay. Mise intaynu shakiga iyo waswaaska is illawsiinno ayaan sida ay sheegtay hooyo Radio Hargaysa laga waraystay “ saldhigga laga kireeyay dawaldda Sacuudiga” iska iimansannaa. Malaga yaabaa in ay saldhigyo hor leh oo ku teedsan xeebaha galbeedka farrinayso?…Dadka qaarbaa hilmaankoodu, garab-daar salka ku hayaaye. Ilaahayoow riyo ka dhig. Mise Djibouti oo sida loo maalo taqaana kiraynta saldhigyada ciidanka ayaa inoo loox jiidday?.. oo sidii “Xuunkii shinnida ku yidhi sida malabka loo sameeyo i bar ee intaan casharka loo dhammayn laba sadar la haaday ee aqoontiisii dhoobo yar oo gidaar lagu dhajjo oo dhawr laxaad ku jiraan u goysay” ayaan noqonnay. “Hadal badani haan ma Buuxsho” “Flash- se wuu buuxshaa”

Odayaashii reerku way safreen. Qaybi odaygii reerkan guyaal hore dala’saday ee “Oday Biiqay” ayay malaha soo warsanayaan. Qolana reerka jagada laka kiraynayo ayay leeyihiin buuqa aad maqlaysaan waa damaashaad iyo dabbaal deg lagu soo dhawaynayo soo deggiinna. Idaacaddii ugu guunsanayd gayiga Soomalida, oo aan dhexdhexaad ka ahayn waxa dhacayana, oo Hargaysa ahna waxay kaga baxday “halkani waa Hargaysoo hirarka gaaban idinkala hadlaysee habeen wanaagsan”…horta FM-tuna ma “hirarka gaabbanbaa?”. Xantuna waa labada xukuumadood ee xilkoodu sida gabbalka sii dhacayo ayaa bootada Saaxil isku sagootinaya. Mooyi! “Laba dar Alla u collowdaa dadka way u heshiisaa” “ Uuraysataye, maxay dhali” ——–Nabad Galyo—– Qore: Cumar Cali Cabdilaahi ( Cumar dheere) Email: oalibare@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

Recent Comments